Nimanka Budhcad dhuleedka Ku Noqday Masalaha Ee Shaadhka Booliska Somaliland dan-yarta Ku Dhacaaya

0
358

Nimanka Budhcad dhuleedka Ku Noqday Masalaha Ee Shaadhka Booliska Somaliland dan-yarta Ku Dhacaaya
(warsugannews)

Soomaalidu waxay odhan jirtay oo Maah-maah u ahayd “Geela duqaydiisu durduriso aarrankiisa maxaad u malayn”, waxaan uga socdaa haddii dalkan yar ee curdinka ah intii Mas’uuliyadda haysay ay ku tumato Sharcigii iyo kala dambayntii loo baahnaa inay bulshaddu kaga dayato, sow ayaan-darro inteedda leeg maaha, haddii maalinkasta qof masiin ah oo dan-yar ah Shaadh dawladdeed loogu xoog sheegto sow mid subxaannale iyadunna, haddii uu waayo meel qudha oo cadli u qaadda dulmiga lagu sameeyey sow wax kale oo laga naxo maaha. Waxaynnu u baahannahay qaran ka u sarreeya iyo kan u hooseeyaaba caddaalada u siman yihiin, oo aannay kala sarrayntu noqon in la isku xoog sheegto.

Waxa jira Koox ka mid ah Saraakiisha iyo hogaannada ciidanka Booliska Somaliland oo u tafaxaydan Boobka dhulka dan-yartu leedahay, kuwaasoo adeegsanaya Awoodda Ciidan Booliska. Nimankaasi waxay dhul ku haystaan dad dan-yar ah oo degan Xaafadda Masalaha, dadkaasi waxay dhulkaas deganaayeen ilaa Lixdankii, waa la wada yaqaan, waa Qoysas la wada garanayo, balse arrinta xanuunka leh ee ciilka leh waxa weeye in dadkaas markasta loogu caga-jugleeyo xadhig joogto ah.

Haddaba, arrinta hogaanada oo ah kuwii loo igmaday ilaalinta dan-yarta iyo Hantidooda, ayaa iyagii boob iyo dhac ku haya, waxay dhalin kartaa inay shacabku ka aamin ka baxaan, waxaannu arrintaas la socod-siinaynaa shacabka Somaliland inay la socdaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaannu uga fadhinnaa innuu Nimankaas talaabo ka qaado, haddii kale waxaannu u qaadan doonnaa innuu kula socdo oo uu ku qadhaabto kooxdan budhcad dhuleedka noqotay, markaa waxaannu leenahay addeer nimankaas shaadhka booliska ku shaqaysanaaya ummadda ka qabo inaad la iska qaban oo Sharciga iyo Caddaalada ha shaqayso marka hore, waayo soomaalidu markay wax dhacaan ayay ku baraarugtaa, waxa taas ka habboon inaad khalad iyo dulmiga hore aad ku baraarugto oo aad ka hor tagto.

W/Q:- Rashiid Daahir Faarax

Hargaysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here