Maxaa Ka Taqaan Gabadha Reer Mexico Bárbara Mori Ee Hrithik Roshan Xiriirka Hoose La Sameesay

0
764

waaxa qoreya yaasir br

Bárbara Mori Ochoa waa gabar reer Mexico ah sidoo kalena heesato dhalasho Uruguay waxayna ku caan baxday sameynta Fahion-ka iyo inay jisho aflaanta heer caalami ah.
Barbara waxay dhalatay February 2, 1978 waa 37-jir waxayna dhanka fashion-ka ku biirtay ayadoo 14-sano jirto halka ay aflaanta sameyntooda bilaawday sanadii 1997.
Barbara waxay ka mid tahay dadka Celebrity-ga kuwooda ugu caansan waxaana la sheegay in sanadkan 2015 ilaa haatan gabadhan daqli $46 million uu soo galay!
Barbara waxay Bollywood-ka kusoo biirtay sanadii 2008 kadib markii ay heshiis la gaartay filim sameeye Rakesh Roshan waxayna hormuud ka noqotay filimkii Kites kaasi oo ay la jishay Hrithik Roshan wuxuuna filimkan soo baxay May 21, 2010.
Waxayna filimkan ku heshay magac iyo lacago badan madaama filimkii Kites oo guul weyn ka gaaray dalalka Mareekanka iyo Ingiriiska balse Hindiya Flop ayuu ka noqday.
Barbara iyo xiriirkii dhex maray ayada iyo Hrithik:
Waxaa inta badan loo nisbeeyaa gabadhan inay sabab u ahayd bur burkii u yimid qoyska Hrithik Roshan iyo xaaskisii Sussana Khan iyo kala tagaan.
Hrithik Iyo Barbara mudo 3-bilood ah ayay wada dagnaayeen Hotel ku yaalo magaalada Las Vegas xili ay duubayeen filmkii Kites,Wuxuuna jilaagan iloobay inuu lasoo xariiro xaaskiisii taasi oo sababtay in Sussana ay aad uga carooto arinkan.
Barbara iyo Hrithik xiriirkooda dalka Mareekanka kuma ekaan ee marka uu xidigan kusoo laabtay dalka Hindiya marar badan ayay kulmeen midaasna waxay sababtay in xaaskiisa Sussana ay furiin ka codsato
Sanadkii hore dhamaadkiisa Hrithik iyo Sussane markii ay kala tageen xidigan waxaa la weydiiyay in Barbara ay sabab u tahay in qoyskiisa uu bur bur ku yimaado.
Balse Hrithik wuu beeniyay inkastoo siweyn saxaafada Hindiya dadka aad ugu dhow Sussane ay isku raaceen in Hrithik uu xariir qarsoodi ahaa mudo la wada gabadha reer Mexico.
Sawiro U Gaar Ah Wadajirkii Barbara Iyo Hrithik Roshan: