Waa maxay sababta Malaga ay u diiday saxiixa Mario Balotelli?

0
391

waaxa qorey yasir br

Tababaraha kooxda Malaga ee dalka Spain Juande Ramos ayaa sheegay in kooxdiisa loo soo bandhigay saxiixa Balotelli suuqii xaggaaga.

Juande Ramos ayaa intaa ku daray in mushaarka qaaliga ah ee Mario Balotelli uu sabab u noqday in kooxdiisu aysan la soo wareegin weerar yahanka reer talyaani.

“Balotelli ayaa naloo soo bandhigay, laakiin mushaarkiisa ayaa ahaa mid qaali ah, noomana suurogalayn inaan bixino” ayuu u sheegay Cadena Cope.

“Wuxuu aaday Nice waayo milkiilayaasha cusub ee kooxda ayaa dhaqaalo badan ku bixiyay, marnaba dooq uma lahayn inuu dhankeena soo aado”.

Mario Balotelli ayaa xiliciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxdiisa Nice kadib markii uu katagay Liverpool suuqii xaggaaga.