US: Arday iskuul oo bas la qallibmay iyo lix caruura oo ku dhimatay magaalada Chattanooga, Tennessee

0
327

waaxa qorey yaasir br

magaalada Chattanooga, gobolkaasi Tennessee ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay shil fool xun kaas oo sababay dhimashada ilaa iyo lix caruur arday ah kuwaas oo baski ay saarnaayeen wadada kala baxay.

Baskan ayaa waxaa saarnaa 35 caruur arday ah, waxaana uu ka baxay wadada isagoona ku dhacay geed sababay in uu baska bur-buro.

Darawalka ayaa ka bad-baaday shilka, waxaana iminka gacanta ku haya booliska oo su`aalo weydiinaya.

Booliska ayaa sheegay in marxaladda wadada ay aheyd mid fiican, waxaana ay iminka baarayaan sababta keentay in uu dhoco shilkan.

Ardayda dhaawacantay ayaa waxaa loo qaaday  isbitaalka Erlanger Hospital ee magaalada Chattanooga.

Waxa ay dhiganayeen ardaydu iskuuka Woodmore Elementary School ee isla magaaladaasi.