Maxay Kala Yihiin Guulaha Uu Gaadhay Hogaanka Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee Solja Mudadii Uu Xilka Hayayn . By:-Nagiib C/laahi Colaad

0
338

Maxay Kala Yihiin Guulaha Uu Gaadhay Hogaanka Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee Solja Mudadii Uu Xilka Hayayn . By:-Nagiib C/laahi Colaad

Hargeysa(Warsugannews)Hogaanka Ururka saxafiyiinta Somaliland ee Solja ayaa tan iyo markii loodoortay hogaanka solja ku talaabsaday guulo farabadan oo ay gaadhsiiyeen saxaafada kaladuwan ee ka hawlgala gobolada Somaliland, ku waasi oo toba baro kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoontooda u qabta toba baradaasi oo ay bixiyaan khuburo aad ugu takhasusay xirfada warbaahineed .

Hogaanka ururka ururka saxafiyiinta solja ee uu horkacaaya guddoomiye maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sida oo kale waxay ku guulaysteen yaraynta xadhiga lagula kaco saxafiyiinta Somaliland kana hawlgala,sida oo kale waxa uu hogaanka solja dadaal dheer ugalay sidii saxafiyiinta lagula dhaqmi lahaa xeerka u yaalada saxaafada somalailand,taasi oo sababtay arintaasi in ay waxyaabo badan ka suurto galaan isla markaana guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland balan qaaday in saxafiyiinta laguladhaqmo xeerka saxaafada.

Sida oo kale waxa ay hogaanka ururka saxafiyiinta Somaliland ee solja dadaal u galay sidii ay iskugu xidhmi lahaayeen warbaahinta ka soo kala warama gobolada kala duwan ee Somaliland,ku waasi oo wariyayaasha kaladuwan ee dalka ururka solja u qabta tobabaro ay isku waydaarsanayaan aqoontooda iyo caqabadaha hortaagan.

Ururka saxafiyiinta Somaliland ee solja sida oo kale waxa uu ku guulaystay in wariyaha ku qaldama Siyaasi,Ganacsiga iyo shaqsiyaadka qofka in aana suuqyada laga qabsan ee balse laga soo dawceeyo ururka saxafiyiinta Somaliland ee Solja kaasi oo hogaanka solji wariyaha laga soo dacwoodo kala xisaabtama si ay uga hortagaan in dhib loogayto saxafiyiinta ama xarumaha warbaahineed.

Gud: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxa uu si dhakhso aha uga hawlgalaa wariyaha laxidho ee qaldama ama lagu qaldamo kaasi oo xal u raadiya sidii uu u soo dayn lahaa wariya haasi hogaanka solja iyaga oo inta badan ku guulayta siidaynta wasiyayaaasha laxidho

Sida oo kale waxa uu hogaanka ururka saxafiyiinta somaliland ee solja waxa ku da’daala in haa’yadaha kala duwan ee warbaahintu si siman ay u helaan mashaariicaha kala duwan ee soo baxa

Hadaba waxaa xusud mudan oo la odhan karaa hagaankan ururka saxafiyiinta Somaliland ee solja ee uu hormoodka u yahay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) in uu da’daalo badan ugu jiro horumarinta saxafiyiinta somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here