Maydh: Doon Hub u Siday Laba beelood oo is haya oo la qabtay iyo Maleeshiyadii Wadatay oo Baxsatay

0
666

Maydh: Doon Hub u Siday Laba beelood oo is haya oo la qabtay iyo Maleeshiyadii Wadatay oo Baxsatay.

Maydh(Warsugannews)Maydh: Doon Hub u Siday Laba beelood oo is haya oo la qabtay iyo Maleeshiyadii Wadatay oo Baxsatay.
Dooni siday saanad milatari oo iskugu jirtay hub iyo rasaas ayaa ka soo degtay magaalo xeebeeda maydh ee gobolka sanaag, hubkan oo la sheegay inuu leeyahay nin ka soo jeeda beesha degta deegaankaasi ayay xalay abaara 2:00 am habeenimo ku soo xidhatay dekeda maydh.

Ciidamada qaranka Somaliland Ayaa Ka warhelay kuwaas oo ku baxay dhinaca xeebta halkaas oo uu dagaal ku dhex marayo dablay beeleed ka soo jeeda waqooyiga bari sanaag, oo la safan ninka hubkan leh, ciidamada ayaa dablaydan ka baacsaday deegaanka awr gaab waxaana ay hada ku daba jiraan dablaydan hubaysan iyo ninkii hubka sitay oo u cararay dhinaca beeralayda hareed halkaas oo ciidamadu raadkoodii ku daba joogaa, ciidamada ayaa la sheegayaa inay la wareegeen doontii loo tuhunsanaa hubka oo maydh taagan iyo amaanka guud ee deegaanka waxayse baadi doon ugu jiraan sidii ay u soo qabqaban lahaayeen dablaydan ninka wata iyo hubkii halka la geeyayba,

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka sanaag casayr oo isagu hor kacayay ciidamada dowlada ee goobta jooga ayaa la ii xaqiijiyay in isaga iyo ciidankiisii baadhitaano ka wadaan deegaanka hareed oo looga shakisanyahay in hubka lagu qariyay, waxayna ciidamadu heleen gaadhigii xalay hubka maydh ka soo saaray oo saaka liin laga soo buuxiyay, hubka ayaa ay ilo xogogaal ahi ii sheegeen in beesha waqooyiga ceerigaabo ay yaman ka soo iibsatay, hubkan ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa hub dhawaan ay wareejiyeen ciidamo ka tirsan jabhadaha islaamiga ah ee xuutiyiinta dagaalka kula jira, waxaana magaalada sanca ka soo iibiyay nin kale oo ay ilmaadeer yihiin ka gadhigiisa xalay lagu arkay, wixii warara ee iska hor imaadyadaas ku soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here