Maxay Salka Ku Haysaa Xiisadda Erdogan Iyo Raysal Wasaaraha Talyaaniga?

0
256

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday Raysal wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi sababo la xidhiidha inuu ugu yeedhay “kaligii taliye,’ hadalladaas oo uu sheegay inay ahaayeen edeb darro.

 

Draghi ayaa toddobaadkii tegay dhalleeceeyey habka uu Erdogan u marti-geliyey labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Midowga Yurub, markaas oo madaxad guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay weyday kursi ay fadhiisato.

Laba kursi oo lasoo dhigay halka ay ku kulmayeen ayaa waxaa kala fariistay Erdogan iyo madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel.

Saraakiisha Turkey ayaa diiday eedeynta dhacdadaas, ayaga oo sheegay in hab maamuuska ay sameeyeen ay ku salleeyeen amaro ay ka heleen Brussels.

Kulan madaxeedkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee dhex-mara Turkey iyo Midowga Yurub muddo sannad ah, ayaa hadalheynta ugu badan waxay noqotay dhacdada kursi ka’aanta ku dhacday Ursula von der Leyen, ayada oo loogu yeedhay “sofagate” ama fadeexaddii kursiga.

Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Rome ayaa Draghi waxa uu yidhi “Waan ka xumahay bahdilka ay madaxweynaha guddiga kala kulantay kuwan. Aan ugu yeedhno waxa ay yihiin, kali-taliyeyaal.”

Isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah ugu jawaabaya ayaa Erdogan wuxuu Arbacadii sheegay in hadalka Draghi uu halis geliyey xidhiidhka Turkey iyo Talyaaniga.

“Hadallada kasoo yeeray Raysal wasaaraha Talyaaniga waxay ka dhigan yihiin xushmad darro buuxda, iyo edeb darro dhameystiran,” ayuu Erdogan ku yidhi muuqaal qeyb ka mid ah lasoo dhigay twitter-ka.

“Xilli aan rajeeneynay in xidhiidhka Turkey iyo Italy uu gaaro meel wanaagsan, ninka loogu yeedho Draghi ayaa quusiyey xidhiidhkii.”

Erdogan ayaa ku booriyey Draghi – oo uu xusay inuu yahay nin la magacaabay oo aanay shacab dooran – inuu dib u eego taariikhda Talyaaniga, isaga oo u muuqda inuu kala jeedo xukunkii fashiistaha ee kaligii taliyey Benito Mussolini.

Hadallada Draghi ayaa sababay in Turkey ay saacad gudaheed ugu yeedho safiirka Talyaaniga ee Ankara oo ay ka dalbato sharaxaad ku aadan hadalka Raysal wasaaraha.

Dhacdada kursiga ayaa sidoo kale fadeexad ka abuurtay Brussels, halkaasi madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel lagu dhalleeceeyey inuu qaatay mid ka mid ah labada kursi, islamarkaana uu von der Leyen ku qasbay inay fadhiisto kursi yaalay meel fog oo ahaa sofa.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here