Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Taariikhda Markii Kowaad si Cadaalada Uga Gar-Naqday Muran Ka Taagna Magac Warbaahineed

0
407

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Taariikhda Markii Kowaad si Cadaalada Uga Gar-Naqday Muran Ka Taagna Magac Warbaahineed.

Hargeysa(Warsugannews)Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa taariikhda markii kowaad waxaa ay ka gar-naqday Magac Warbahineed oo ay ku murmeen laba dhinac oo kala ah Galool Magazine Iyo Galoolmedia.net .
Dacwadda Magacan oo socotay muddo ayaa maanta waxaa ay maxkamadda gobolka Maroodijeex ka soo saartay xukun kama danbees ah .

Magaca murankani ka taagnaa oo ah “ Galool ” ayaa waxaa ku muransana laba dhinac oo kala ahaa Dacwoode oo ah Galool Magazine oo ah Xarun Shaqeenaysay Muddo ka badan Shan sanno iyo Dacwaysane oo ah Mareeg Dhawaan Hawada soo gashay oo la baxday isla Magacan oo ah Galoolmedia, Iyadoo Galool Magazine Uu ka socday Dacwoodaha oo ah Maxamed Cabdi C/laahi iyo Dacwaysanaha oo ka socday Dhinaca Mareegta Galoolmedia oo magaciisu yahay Yaasiin Calase .

Ka dib markii Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Dhagaysatay Doodaha labada dhinac waxay u xukuntay Galool Magazine, iyadoo Mareegta Galoolmedia ku ammartay in ay muddo Todobooad ah kaga guuro Magacan .Mohammed Abdi2_n

1

3