Meherkii Baaqday!

0
424

Meherkii Baaqday!

Qormadii Saddexaad.
Maxamed Sidiiq Dhamme.

Intuu dhegta Aleenka ku hayay Xaamud wuu riyaaqsanaa, wuxuu la qushuucsana sida geesinnimada lehe ee ay uga gudoontay dalabkiisi Xamdi, niyada wuxu ka sawiranaayay meherkii oo Maansoor ka socda, labadii qosy oo is hor fadhiya, Baashe oo malxiis u ah. Asxaabta o fooladaynaysa dhamaan iyo tahniyado aan kala go’ lahayn oo buux dhaafshay barakulankii Facebook wuxuu hoos u leeyahay “Allayhe bagga imisaad hanbalyuun diraysay oo aad kolba hebel u malxiisayay maanta waa maalintaadi, dhamaan waa in asxaabtu kuugu hagar baxdaa sidii aad ugu hurtay nafta ee aad ula qabatay hareerta hawlihi guurkooga”

Markiiba waxay qorsheeyeen meherkii, waxay ku heshiiyeen meher qadarkiisu dhan yahay Konton giraam, laca kaash oo gabaatiya iyo lacag doolar oo yaradkiiya, markay isla qaateen waxxuu waydiiyay Aabbaheed Naaleeye halka laga helo iyo nambarkiisa si uu tolkii ugu sheego oo arrinka labada qoys u wada galaan. Waxay u sheegtay nambarkii Aabbaheed, maqaaxi qaxwe macaan oo uu galabii fadhiistana way u tilmaantay. Waxay isla garteen in meherku dhaco toddoba cisho kadib oo ballantay dhigteena waa khamiista, labada reerna is arkaan oo ay galaan hawlaha kale inta qabyada ah dhankooda.

Dhankaa iyo dhankatoon isagoon eegin ayuu u dhabaabaceeyay Aabbihi marfasha uu fadhiisan jiray xagiisa, farxad awgeed wuxuu sugi kari wayay intuu gabbalku dhacaayo ee Aabbihii imanaayo guriga. Wuxuu soo socdaba wuxuu daf soo yidhi marfashkii, jiidh raggi qayilaayay. Salaanbay la boobeen waar Xaamud adeer galabta maxaad la xiimaysa ayuu yidhi oday Wacays la yidhaa oo ay odayga saaxiib ahaayen. Intuu odaygi bariidshay ayuu hore u galay fadhigii “Aabbo waxaan doonayaa inaan kaala hadlo arrin muhiima ee debeda inno saar” waa saacadaha mirqaanku soo dego kicid daaye hadal kuma jiro odayga.

Intuu kacay oo macawistii dacalka laaladashay ayuu Xaamudna garabka soo qabsaday. Waxay isula baxeen marfashka dabidiisa, kaabadbay dabada saareen. Xaamud oo qajilaaya ayaa intuu hoos u foorarsaday qori yarna gacanta middig ku qabsaday ku xar-xariiqay dhulka oo hadalkii bilaabay “aabboo waxaan la heshiiyay inan jaamiciyadda oo aan rabaa inaan guursado, waanu dhamaysanay hawlihii dhankayaga. Waa ii diyaar qarashkii aan ugu geed fadhiisan lahaa, gabaatigii iyo yaradkiiba. Waxaan u baahanahay inaad adiga iyo caaqilku u tagtaan inanta reerkooga oo aad ballan lasoo samaysataan una sheegtaan inaynu ka doonayno Xamda oo aanu heshiinay, boqolkaa doolar ku hawlgali caaqilka shidaal haka dhigtee hawsha waxaanu inanta isla garanay kahamiista danbe inay dhacdo. Nambarkii xaajigu waaka, waxa laga helaa maqaaxida Khayriyada ku taal galabtii ee la hadla oo balama odayada Aabbo”

Odaygii oo aad ugu farxay warka wiilkiisa maalintan oo kalena muddo sugaayay ayaa si kalsooni leh ugu ballan qaaday inay hawshaa gelyaan, duco iyo dardaaran ayuu gadhka u gashay, intuu madaxa u saalaxay ayuu u yidhi “ Aabbo arrin uguba maaha garabkaagan taaganahay waxaskta oo hawshaadaasi ku dhamaanayso waan yeelayaa, haddaan suldaanka iyo caaqilka reerkeena u tagayaa, siyaasiyiinta beesha iyo xildhibaankeena waan ballaminayaa, maalintaa si balaadhan ayaanu kuu baal istaagaynaa, xilweynbaan Xaamudoow isi saaraya ka werwer la’aw hawshaa Aabbo”

Xaamud arrinkii meelbu ku tiiriyay, wuxu wacay oo u u sheegay bushaarada warka farxadda leh Xamda oo ay isku ogaayeen inuu lasoo hadlo marka uu dhameeyo hawlaha. Wuxuu uga warramay halka xaal maraayo inuu Aabbihii u sheegay arrinkay isla qaateen, damaashaad iyo farxadba bilaabantay, xidhiidhku sidii wuu ka xoogan yahay oo labaduba waxay sawiranayaan iyagoo qoys ah.

Maxamed Sidiiq Dhamme
Msadiiq1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here