MIDNIMADA BEELAHA BARIGA S/LAND OO SII XOOGEYSANAYSA,IYO TAN GALBEEDKA OO HOOS USII DHACCAYSA

0
479
????????????????????????????????????

MIDNIMADA BEELAHA BARIGA S/LAND OO SII XOOGEYSANAYSA,IYO TAN GALBEEDKA OO HOOS USII DHACCAYSA

Tan iyo markii xisbiga Kulmiye kasoo baxay mucaaradka kuna guulestay doorashooyinkii kursiga dalka u sarreya keenay Madaxweyne Siilaanyo ayaa qaybo ka mid ah dadweynaha dalka ee taasgeerada siin jirey xisbulxaakim kii burburray ku ololayn jireen isbeddelka maamul ee ay la iman doonto xukuumaddan kasoo jeedda Bariga soomaaliland kuwaasoo dhinaca kalena wakhtigii ololihii siyaasadda taageerayaashii UDUB ugu baaqi jirey in xukuumadda kulmiye u janjeedhsanaan doonto degaanada Bariga dalka ,kana jeesan doonto galbeedfka dalka .

Boorama(WSN)Inkastoo baaqyadaasi ahayn kuwa loo dhegtaagay ama la dhegeystay marka loo eego nacayb ka siyaasadeed ee loo hayey dawladdi Rayaale ,isla markaana an xukuumada KuLmiyena sannadihii u horreeyey ee ay xilka la wareegtay laga dareemin isku dheelitir la’aan la xidhiidha gobolada dalka ,hase yeeshee labadii sanadood ee u dambaysayba la iska arkayewy culayska dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee ay saartay goboladaasi ,haba ugu horreeyeen gobolada Sanaag ,togdheer iyo Sool miisaankasina ilaa imika usii ciirayo Bariga dalka .

Inkastoo xukuumadda ,Madaxweyne Siilaanyo sannadihii u horreeyey meesha ka saaray colaadii ,jidgooyooyinkii ,iyo nacaybkii beelaha galbeedku ka dhaxleen xukuumaddii Rayaale gobolada galbeedkana uga sed kordhiyey saamigii ay xukuumadda ka haysteen wakhtigii Rayaale hase yeeshee dareenadii caynkaasi ahaa u muuqdaan kuwa soo laba kaclaynaya bilahan u dambeeyey loona arko in xukuumaddu toosinayso belaayo hurudday marka loo eego xiisadaha siyaasadeed ee Berbera ,iskushaandheyntii u dambaysay iyo waxyaalaha ka taagan degmada Lughaya iyo lixda Goobood u egyihiin kuwa horseed u ah wax an dan u ahayn beelaha galbeedka dalka siina kala fogeyn kara mar kasta oo doorashooyinku soo dhawaadaan.

isbeddelka maamul ee ku yimi gobolka Sool,qaramayntii maleesiyada khaatumo soo dhaweyntii madaxweyne Siilaanyo ee Laascaanood ,casuumadii Kooxda Cali klhaliif ee degaanka Caynaba ,magacaabista sagaalka xil ee xilalkii hore loogu daray reer Laascaanaood , xerogelinta xoogaggii SSC ee Xaglatoosiye ,beddelka giimbaartii loogu beddelay Shilinka S/land iyo waxyaale kale oo qarsooniba muujinayaan sida ay u kala fogyihiin xaaladi dhulkaa ka taagnayd wakhtigii Rayaale iyo tan Siilaanyo ee wakhtigan tusaalena looga dhigan karo sidii reer Laascaanoodna rasaasta ugala hor yimaaddeen wafdi u horkacayey madaxweynihii hore ee dalka kaasoo sababay dagaallo an kala joogsi lahayn oo dhulkaa ka socdayba waxay muujinayaan lexejaclad iyo walaalnimada ka dhaxaysa beelaha iyo gobolada Bari ee dalka iyo xukuumadda maanta.

Ugu dambayntiina dabaysha colaadeed iyo kala qaybsanaanta beelaha galbeedka haatan kusoo fool leh ee ay waxba ka aban waayeen madaxweynayaashii reer galbeedka ahaa ee dalka soo xukumayey yaa haatan u muuqata inay mar kale siyaasiyiinta reer Barigu la wareegaan hogaaminta dalka hadii anay waxba iska beddelin siyaasadaha mucaarad iyo muxaafidba leh ee ku waajahan gobolada bari iyo kuwa galbeedkaba ,kuwaasoo shacabkooda iyo siyaasiyiintooduba iskusoo dhawaanayaan ama sii kalena fogaanayaan .

Maxa,med cumar sheekh

Borama/Awdal