Moyar iyo Gole Degaan oo Waajibkoodii Fuliyay‏

0
897

Moyar iyo Gole Degaan oo Waajibkoodii Fuliyay‏

Mahad oo dhan ilaahay ayay u sugnaatay, Shaki kuma jiro in Sanadkan
bishay uu yahay mid soo noolayn doona Rajadii laga Filayay Dhalinyarda
Talada dalka Xilalka kala Duwan ka Haysa. Gaar ahaan kuwa Mayorada ka
ah Qaarka Mida Magaalooyinka Dalka.
Waxa sharaf iyo cisi noo wada ah anaga iyo Dhalinyarada Golaha
Deegaanka ee Caasimada oo Moyar Soltelco Hormoodka u Yahay in Ay
caasimada Usoo Iibiyaan Agabkii Ay kaga Haqabtirilahaayeen Wadooyinku
Haboon Caasimada. Dhiiiranaanta Iyo Kalfurnaantu Waa mid Da’ayaranta
iyo Aqoonta uu Moyarku leeyahay Keentay in uu u Badheedho Siduu uu
dhalinyarada ugu Samayn Lahaa Taariikh ay ku Fanaan.
Moyar waxaad rajo galisay Cashuur Bixiyaya Yaashii iyo Dadkii Adiga
iyo Golahagaba Ucodeeyay, Waxa kale oo aad dhiiri galisay Dadkii aan
Cashuurta bixin jirin oo imika inta aydaan Dawalad Hoose ahaan Talaabo
ka Qaadin ay Bulshadu Idiinka Horayn doonto.
Umaan Holan in aan Idinku Amaano Wajibkiina aad Guda teen ee waxaan
Qallinka u qaatay inaan ka Qayb Noqdo Da’ddaalada Moyarka iyo
Golahiisu Ugu jiraan Horumarinta Caasimada, Waxaan Jecelahay Inaan
Muujiyo in aanu Idiin Ognahay inaad Halgan ugu Jirtaan inaad Mujisaan
in aad Dalka iyo Dadkaba Lexejeclo u Haysaan.
Waxaan Tallo idiinku soo jeedinayaa:
1. Agabkaa aad Keenteen Sidii uu uga Haqabtiri lahaa Baahida u Haysa
in ay Helaan Caasimad leh Wadooyin Quruxbadan iyo Caasimad Si Fudud
Iskugu Socon karta.
2. Waxa Kale oo aan kula talinayaa Mayorka iyo Golahiisaba Waxa
Tariikh u noqondoonta Sida ay Maamulaan una Lexejecleeyaan Qalabkaa Ay
Umada Cashuurtoodii ka Soo Iibiyeen.
3. Waxa aad u muhiima in ay Dawlada Hoose Sameeyaan Siyaasad Cad oo oo
Laga wada Qayb Qaato (Participatory System) loo Dajiyo oo Lagu Maamulo
Qalabkan Dadka Rajadoodii soo Celiyay.
4. Waa waajib In aynu Wada Ilaashano ama aynu Wada leenahay Waxa
Wanaagsan ee aad Qabataan waxa Sidoo Kale Iyadna Xilsimani inaga wada
saran Yahay Sidii Aynu u Wada ilaashan lahayn Tariikhda Wanaagsane
Qaarkeen Soo Kordhiyaan.
5. Waxaan idiinsoo Jeedinayaa Inaad Wadooyin Caasimada Balaadhinaya
aad Qorshaysaan (Master Plan ) Markaad Kuwa Imika inaga Dayacan Aad
Dhamaystirtaan
6. Moyar ku Darsada Sanadka Cusub sidii aad u Qaban lahaydeen Shir
Lagaga wada hadlayo Horumarinta Caasimada oo dhamaan Qaybaha bulshadu
ka qayb gasho iyo Meel ama Hab Fudud oo talooyinka La idiinku soo
Gudbinkaro

Faysal Cumar Madar
Hargeisa