Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Culus Ka Bixiyey Haddal Ka Soo Yeedhay Maanta Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Dhataqle‏

0
606

Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Culus Ka Bixiyey Haddal Ka Soo Yeedhay Maanta Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Dhataqle‏

Hargeysa (Warsugannews)-Guddoomiye ku-xigeenka 3 Aad ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Mujaahid Cali Yusuf (Cali Guray) ayaa si adag ugu jawaabay haddal maanta ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada somaliland Baashe, ka dib markii uu waraysi uu siiyey mid kamid ah wargeysyada Xukuumaddu ay leedahay uu baashe ku tilmaamay mujaahidka nin aan xuskiisu dhamamayn oo waalan .

Haddaba Mujaahdi Cali Guray oo daba socod haddalkaa uu baashe dhataqle kula dul kufay ayaa Bogga uu ku leeyahay soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga falcelinayo haddalkaa Baashe dhataqle, waxaanay jawaabta mujaahid Cali Guray u dhignayd sidan:-

QOSOL MA U BANAAN YAHAY AFKUU QARIYO MOOYAANE?

Nin baa yidhi”waar maanigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?”. Hadii miyir qabku yahay wixii aynu wada arkaynay ee Gudoomoye xigeenku ka sameeyay ama ka sameeba la yidhi Fadhigii Golaha Wakiilada aniga ayaa waalan hadii kale isagaa waalan oo weliba ay waalidiisu tahay ta loo yaqaan WAALI-NACAS. Waxa lagu gartaa hadalkiisa ka madhan xikmadda oo waxa lagu sifeeyaa DHATAQLE yacnii hadalkiisa ayaa bilaa nuxur ah sida Baashe.

Dhanka kale Cali Guray ayaa ku sifeeyey Baashe in maskaxdiisa lala maamulo isagoo u soo qaatay Gabay uu tiriyey AHN Abwaan Marxuum Ibraahin Gadhle .

AHN eh Ibraahim Gadhle waxa laga hayaa:
MASKAXDAADU YAY NOQON MAQAL LAGULA LEEYAHAY
OO TOBAN MUFTAAX IYO MUSBAAR WALIBA UU FURO

Qofka haduu hadlo kaskiisa hadla ee carabkiisa iyo calooshiisu is leeyihiin iyo ka maskaxdiisa cid kale wax ku shubato een kaskiisaba hadal lakiin wixii dheh la yidhaana odhanaya wixii samee la yidhaana sameeynaya bal idinkuba qiyaasoo keeba waalan?

Nebi Muxamed NNKH eh wuxu inoo sheegay ” INNA LIKULI SHAYI’N AALAH WA AALATUL BASHAR AL CAQIL” oo ah wax kastaa aalad buu leeyahay aaladda basharkuna waa caqliga. Hadaba caqligu wuxu ka mid yahay nimcooyinka Ilaahay inagu manaystay ee maalinta qiyaame uu ina waydiinayo ama inagala xisaabtamayo sida uu Quranka kariimka ah inoogu sheegay ” wa latusalunna yooma idin cani naciim”
warsugannews

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here