Tacsi: Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale

0
499

TACSI MADAXWEYNE-14/09/2015
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Sodohdi Marxuuma Hooyo Khadija Yuusuf Yoonis, oo maanta taariikhduna tahay 14/09/2015 ku geeriyootay Magaalada Hargeysa laguna aasay.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa dhamaan Reer Barkhad Aadan, Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here