Munaasibad Dhaqaale Loogu Yaboohayo Dugsiga Carruurta Aan Awoodin Inay Hadlaan

0
355

Munaasibad Dhaqaale Loogu Yaboohayo Dugsiga Carruurta Aan Awoodin Inay Hadlaan

Hargeysa(Warsuganews)Munaasibad Dhaqaale loogu yaboohay Dugsiga Carruurta aan
awoodin inay hadlaan (Hargeisa. Children Learining Cente), ayaa lagu
qabtay xalay hoolka Green Plaza ee Samar time oo ku yaal galbeedka
magaalada Hargeysa.

Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay Dugsigaa, ayaa ugu horayn ka hadashay
furitaanka munaasibadda la doonayay in dhaqaale loogu yabooho
Carruurtaa, waxayna ka warantay sababta ku kaliftay inay hindisto
dugsi sidan oo kale ah.

“Sababta aan u aasaasay Dugsigan, waxay ahayd inankayga Curad ayaa
qaba Cudurka (Autisam), waxaan kasoo guuray dalka Britain. (Hargeisa
Children Learing Center) waxaan bilaabay, 1 Oct 2015, waxaan ku
bilawnay 5 Carruur ah, maantana waxa dhigta 25 Carruur ah, waqtigana
20 Carruur ah, ayaa sugaya inay galaan aniga riyadaydii, way ii
rumawday $ 35, 0000 ayaa aniga iyo dadkii aasaasay dugsigaa aanu
gelinay, waxaana loo baahanyahay in caruurtaa oo inta baddan ay
dhaleen dad danyar ah laga bixiyo oo la caawiyo, si dugsigu usii socdo
oo mustaqbalka Carruurteena Cudurkan qaba ee aynu guryaha ku haysano u
helaan goobo waxbarsho oo macalimiin loo tababaray ay helaan” sidaa
waxa tidhi Khadra Cali Cigaal oo aasaastay Dugsiga, isla markaana ka
sheekaysay waayihii iyo duruufihii ay lasoo martay.

Mid ka mid ah Hooyoyinka Carruurta xannuunada noocan oo kale qaba
haysta, ayaa so weyn usoo dhowaysay furitaanka Dugsiga Carruurta
xaaladaha gaarka ah la deriska ah eye aan awoodin inay hadlaan,
waxayna u muhad celisay Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay dugsigaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Mr.
Abiib, ayaa sheegay inay qayb cusub oo la xidhiidha Carruurta qabta
xannuunkaa ay hadda kusoo kordhiyeen wasaaradda, islaa makaana, wuxuu
madasha kaga dhawaaqay inay wasaarad ahaan qaadanayaan ugu yaraan 10
Arday.

Dr. Adna Aadan oo hadal kooban ka jeedisay munaasibadaa, ayaa ka
warantay baahida loo qabo dugsigan oo kale, waxayna balanqaaday inay u
balaminay Booyadda Biyaha. Sidoo kale Shukri Xariir oo ah Wasiir ku
xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxayna
sheegtay inay ka warhayso dhibaatada Caruurtaa qaba xannuunka noocaas
ah ay kala kulmaan Bulshada, waxayna sheegtay inay wasaarad ahaan
barnaamijyada ka baxa Idaacada Radio Hargeysa ku darayaan barnaamij ka
hadaya dadka qaba xauunka Autisam.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Xuseen Cabdullaahi Bulxan’ oo si
faah-faahsan uga had lay dhibaatada xannuunkan iyo kuwo kale oo
bulshada ku baddan ku hayaan, kuwaas oo sida uu sheegay aan waxba
lagala socon, isla markaaana loo baahanyahay in qaran ahaan laga
tashado.

Dr. Bulxan, wuxuu ka sheekeeyay qiso dadka madasha fadhiyay dareekooda
iyo shucuurtooda ruxday oo la xidhiidhay Hooyo Ilmo ay dashay oo qaba
cudurkaa dalka kula soo noqotay sagaashanaadkii, taas oo markii ay ka
yaabtay hab-dhaqankii Bulshada dib ugu celisay inankeedii qurbaha,
iyadoo ka muraaradilaasan wixii ay kala kulantay bulshada.

Sidoo kale wax a munaasibadaa ka hadashay Agaasimaha Xafiiska Samfalka
ee Madaxtooyadda Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye, waxayna
balanqaaday inay qoysaska haysta Carruurta qaba xanuunkaa isla garab
taagayaan wixii ay xafiis ahaan karayaan, isla markaana waxay madasha
ka sheegtay in 10-ka Arday ee kale ay Hay’addaha Caawimooyinka ee ku
xidhan la kaashanayaan sidii wax loogu qaban lahaa Caruurtaa.

Munaasibadaa dhaqaalaha loogu ururinayay Carruurta qabta (Autisam),
waxa kale oo ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali
Shoobe oo soo dhoweeyay hindisaha dugsigaa.

Gebagebadii Lacag $ 25, 000. 00 ah, ayaa lagaga dhawaaqay madasha, oo
aanay ka muuqan dadka dhaqaalaha dalka gacanta ku haya, sida
ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyadoo
Ganacsade Cumaani oo isagu aan kasoo qaybgelin munaasibada qaadhaanka
lagu ururinayay oo lasoo xidhiidhay dadkii maamulay u sheegay inuu $
5, 000, 00. Ugu deeqayo, iyadoo dad bad an oo dhalinyaro ah oo ka
qaybgalay munaasibadaa balanqaadeen inay usoo qorshaynayaan wixii
itaalkooda ay kaga qaybqaadanayaan.

Gunaanadkii munaasibada, waxa la gudoonsiiyay abaalmarino 10 qof oo
hawshan door weyn kasoo qaatay.
Haddii aad doonay inaad wax ku darsato kala xidhiidh contact; Tel 00
252 2 572 699 ama Mobile 252 2 63 382 4535/ 00 252 2 65 979 5212, ama
ugu dir Zaad 416668 E-Dahab 51466, ama kala xidhiidh wixii macluumaad
dheeraad ah info@soldda.com booqo wwww.soldda.com