Sheekh Dirir: BAARLAMAANKA waxaynu leenahay idinkuna ha lumina, dadkana ha luminina ee intaydaan u codeyn RIBBADA cilmi u yeesha DIINTA.

0
329

Sheekh Dirir: BAARLAMAANKA waxaynu leenahay idinkuna ha lumina, dadkana ha luminina ee intaydaan u codeyn RIBBADA cilmi u yeesha DIINTA.

“Xeerkan xildhibaana cadeeyeen inuu ribbo yahay, oo qofkii soo qaaday, Madaxweynahii loo keenay iyo dalka laga keenayba waa…”

“laakiin waa nasteexo, cayna ma taalo, hadii raga qaarkii culimada caayeen, fawdana ma jirto xukuumada ku kaca oo rida ma taalo..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Hargeysa 16 January, 2016 (Himilo)- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka iyo qof kastoo difaacaya ansixinta xeerka ganacsiga Baananka inay aqoon u yeeshaan diinta islaamka ka horintaanay u codeyn.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha ee shalay si weyn ugaga hadlayey halista Ribbada iyo sida Ilaahay iyo diinta islaamku u xaaraantimaysay ayaa sheegay in Nebigu CSW ka digay wakhti dadku raacaan xukuno ay gooyaan madaxdooda iyagoon aqoon u lahayn diinta, oo luma, dadkana lumiya.
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey mowduucan ayaa ku bilaabay, “Ilaahay isagoo aayad qur’aan ah kaga hadlaya xaalada dadka ribbo cunayaasha maalinta aakhiro ayuu inoo sheegay inay imanayaan iyagoo aad moodin inay waalan yihiin ama ciirciiraya, waana calaamadaha dadka Ribbada cuna. Nebigu CSW aad ayuu uga digay Ribbada, dhaqan jaahiliyada ayey ahayd, dhamaan diimahii Ilaahay soo dejiyey waa looga digay dadka. Xadiis Nebigu CSW ayaa macnahiisu ahaa “Iska Ilaaliya Todobada dembi ee qofka halaaga: Ilaahay oo laga gaaloobo, nafta oo la gooyo, ribbada oo la cuno, xoolaha agoonta oo la cuno, maalinta cadowga lays hayo oo qofku cararro, iyo dumarka dhowrsoon oo sinno lagu eedeeyo”
Sheekh Dirir ayaa sheegay in Nebigu CSW si adag uga digay islamarkaana nacdalay, Ribbada, sida xadiiskan sugan ee macnahiisu yahay, “Nebigu CSW wuu nacdalay qofka Ribbada cuna, ka cunsiiya ama u sahlaya, iyo kuwa saacidaya ee wax u kala qoraya iyo markhaatiyada”. Sheekh Dirir ayaa sheegay in nebigu CSW ka digay marka dadku diintooda la fududaato ay ku dhiiranayaan cunista Ribbada, isla markaana xalaasha ula ekaan doonto, waxaanu yidhi, “Waxa iman doona wakhti qofku waxuu shaqeysanayo dakhilgiisa aanu u aabo yeeli doonin ma xalaal baa mise xaaraam.

Ilaahay shan halaag ayuu u yaboohay qofka Ribbada cunaya, marka hore waa burbur ku yimaada noloshooda iyo aakhiradooda, ta labaad waa barako la’aan maalkooda, sida Ilaahay u sheegay inuu tirtiro ribbada una barakeeyo sadaqada, sida dad badan oo ganacsatada yar yare e dalka oo lacago ka qaatay hay’adaha amaahda bixiya u sheegeen in hantidoodii iyo tii ay ka qaateen hay’adaha-ba u baaba’day, kulayl ayeyna ka qaadeen, ta saddexaad waa dagaal Ilaahay u yaboohay, arrinta afaraad ee ribbadu waa gaalnimo, inuu Ilaahay ku eedeeyey dadka isticmaala, arrinka shanaad ee cuqubada cunitaanka ribbaduna wa ainuu qofku naarta ku waarayo aakhiro.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in muhiimada mowduucan ka digitaanka ribbada uu u soo qaatay tahay, maadama beryaha uu socday dodo ka taagan xeerar golaha Baarlamaanku ka doodayeen oo dhexdoodana isku khilaafsan yihiin, Xeerkan xildhibaano cadeeyeen inuu ribbo yahay, oo qofkii soo qaaday, Madaxweynahii loo keenay iyo dalka laga keenayba waa la ogyahay, oo isla xeerka ku caddahay inaanu dad islaamka lagu dhiqi karin, cullimaduna si weyn uga hadleen oo ka digeen ansixintiisa. Dad baa isweydiinaya tollow maxaa xilligan culimadda soo kiciyey, laakiin waa nasteexo, cayna ma taalo, hadii raga qaarkii culimada caayeen, fawdana ma jirto xukuumada ku kaca oo rida ma taalo, waa nasteexo doorka culimmadu, oo marxalado marta, ta u horeysana tahay in dadka madaxda loot ago oo la horfadhiisto oo loo sheego, waana loo sheegay mar iyo laba-ba, hadii taasi socon weydana si cad oo xikmadaysan in ummada loo gaadhsiiyo ayaa muhiim ah, sida Ilaahay u sheegay in dadka loogu yeedho diinta xikmad iyo waano fiican, taasoo Ilaahay arkayo qofka naseexada qaata iyo ka diidaba, ummaduna arkayso.

Sheekh Dirir ayaa sheegay talooyinka culimadu soo jeedinayso oo shan ah waxa ugu horeeya maadama xeerarka noocan ah ee ummada loo dhigayo yihiin qaar masiiri ah oo qarniyaal soconaya ummadana lagu dhaqayo, inay xalaal noqdaan aan diinta ka horimanayn waa muhiim. Ilaahay isagoo ka digaya halista in wax la sharciyeysto, oo ilaahay ku been-abuurataan, markaa nuxurka taladu waxay ku soo uruuraysaa intaydaan codeyn u cilmi raadiya.

Talada labaad ee culimadu soo jeedinayso waa dalku inuu helo maalgelin iyo horumar wuu u baahan yahay, oo sidii shuruucdaba loo doonayey inay xalaal noqoto, waa in dhaqaalaha aynu soo tabcanayno xalaal noqdaan, sida Ilaahay inoo amray inaan waxa xalaasha cunno, camal wanaagsana la nimaadno, markaa waxaynu ugu nasteexaynaynaa ganacsatada iyo maalqabeenka waynu u ducaynaynaaye, ummada u naxariista, waa la soo cawdee, iyagana loo yeedho oo la yidhaahdo dhaliilaha ayaa jiree saxa, qolyaha kale doonaya inay ku soo biiraana waxaan leenahay wax xalaal ah inoo keena, oo baanan islaami ah oo xalaal ah inoo keena oo qolyahii hore u jiray hadday wax qaaliyeeyeen, kuwa xalaal ah oo jebiya keena.

Naseexada saddexaad ee culimadu waa ummadu waxay ku noqotaa waa wadajirka, iyo in dadku uruursan yihiin, madaxda, maalqabeenka, culimadda, shacabka, oo ixtiraam wax isku weydaarsanaya, sidaa ayaanu islaamku inna barayaa, oo ma yaqano islaamku mucaarad iyo muxaafad dagaalamaya, laakiin laysma turunturaynayee, waa lays toosinayaa, sida quraanka la inoogu sheegay adeecida Ilaahay, Rasuulkiisa, iyo madaxda, oo sida sheekh Ibnu-taymiya oo kitaab ka qoray aayadan u sheegay in Uulul-amrigu yuhuun madaxda iyo culimada oo raacna ilaalinayaan ruuxda, qaarka maamulka, taasoo marka ummadu labadaasi u hagaagaan horumarayso, sida sheekhu xusayo. Markaa isqadarintaasi waxay ku iman kartaa wada-tashiga iyo wada fulin, sida Ilaahay inoogu sheegay inaan wanaaga isku kaashano.

Naseexada afaraad ee culimadu waa sida Ilaahay inoogu sheegay weydiiya kuwa cilmiga leh, haddaad wax garan weydaan, siduu nebigu CSW uga digay ficiladii dadkii Yuhuudu sameeyeen oo qiil ku xalaalaystay shay diintu xaaraantimaysay, xaaraan waa xaaraan, yaan qiil loo raadin oo inta albaabka layska dhaafo daaqada laga soo gelin. Waxuu Nebigu CSW ka digay sida dadku u xalaashanayaan xaaraanta iyagoo magic kale ula baxa wakhti qiyaamahu soo dhowaado, khamriga ayey soo qaadanayaan oo magac kale u bixinayaan, ribbada ayey soo qaadanayaan oo magac kale u bixinayaan. Waxa xusid mudan waanu ka bedelay magacii ribbo, waxaan ka dhignay khidmad, shayga haduu asalkiisu xaaraan yahay, bedelka magac kuma xalaaloobayo, meesha ma taalo in la yidhaahdo ribbo casri ah ayaan haynaa oo magaceeda la yidhaahdo khidmad. Mmowduuca xilligan laysku hayo dadka qaarkood ayaa is-dhanaya wadaadada maxa ageliyey waa arrimahii goleyaasha, oo siyaasada dadkeeda loo daayo, siyaasad maaha ee waa arrin diin ah oo xalaal iyo xaaraan taagan? Markaa isweydiintu waa yaa ka jawaabaya? Marka gurri la dhisayo wadaad looma yeedhayo ee injineerkii aqoonta u lahaa, qofka marka la qalayo dhakhtarkii ayaa loo yeedhayaa, markaa shaygan muranku ka taagan yahay ee xalaashiisa iyo xaaraantiisa yaa ka jawaabaya oo loola noqonayaa, ma aqoonyahanka, ma qurbajooga, ma goleyaasha, islaanta suuqa joogta ayaa hadii la yidhaahdo hooyo shaygaa inuu xalaal yahay iyo xaaraan yahay ayaa lagu murmay ayaa ku odhanaysa dee hooyo culimada weydiiya, sida Ilaahay iyo rasuulkiisu inoogu booriyeen inaan kuwa cilmiga u le hula laabano hadaan wax diini ah isku qabsano. Nebigu CSW waxuu ka sii digay wakhtiga qiyaamahu soo dhowaado, ee culimadu yaraato, dadku raaci doonaan madax juhalo ah, oo u fatwoon doona, oo dadkana lumin doona, iyaguna ku lumi doonaa, taynu ka digayno waa taa. Madaxdeeda iyo goleyaasha waxaynu leenahay idinkuna ha lumina, dadkana ha luminina oo diinta ha uga jawaabina idinkoon aqoon u lahayn. La soco….