Muqdisho iyo 1990 kii Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed ilkacase

0
832

Muqdisho iyo 1990 kii Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed ilkacase

dib ayaanan uGu soo noqday halkii aan ka huleelay iyo safar dheer oo dhibaato badan leh oon ku gaadhi lahaa kaasabalbalaare.waxaan ceelgaab kula kulmay soo noqodkaygii Jaamac laangadhe oo igu kordhiyey inaanan marin dusha sare iyo wadada maka al mukarama,waayo ciidan qawlaysato ah ayaa jooga kuwaasoo gurigii hooyooyinka hada ku dilay laba nin ,ee mar hoosta.
Q iyaastiixiligaasi 11.00 subaxnimo ayuu ahaa,iyadoo xabad joojin uu ku dhawaaqay AFWAYNE ayay hadana ay ahayd wakhtigii ay ugu xabada badnayd,dagaalkuna uu ugu kululaa,aladu waxay isu rogtay lamadegaan,bilicdii iyo quruxdii foolxumo ayay dhaxashay,bililiqo xoog leh ayaana ka dhacday meel kasta oo wax yaaliin,dilka dadka iyo gumaadkoodu nolosha caadiga ah ayay ka mid noqotay,kaasoo maamulka faqashtu uu isu ogay mid aar gudasho qabiili ah salka ku haya,waxaan soo rafaadaba xili danbe ayaan imi gurigii aan ka tagay ee kaasa balbalaare,abaara kowdii wakhti ku dhaw dhow ayay rasaas kululi ka bilaabantay suuqa bakaaraha taasoo dhinaca dowladu ay u adeegsatay madaafiic iyo hubka culculus oo aanay u aabo yeelin,maydadkuna daafaha ayay mareen labada dhinacba dhaawacana hadalkiiba daa.
Galabnimadii 4.00 markay ahayd ayaanu aniga iyo cumar ibraahin u soo jahaysanay buulo xuubay iyo guigii muuse aadan cige,kolkaanu soo gaadhnay gurigii ayaanu ugu nimi aqoonyahan Jaamac muuse jaamac waxaanu iswaraysigayagii noo caadada ahaa uu hadal noogu bilaabay, isagoo mudo dheer dagaalkani aanu socon ayaa durbaba la la’yahay maceeshadii dadku ay quudan lahayeen,waxa kale oo ay dadku diideen inay kala qaataan noodhkii(lacagtii) shanta boqol ee shilin soomaaliga ahaa iyo wixii ka yaraa waxa keliya ee la kala qaadanayaa waa kunkii shilin oo keliya,dhanka kale ee maceeshada halka kiilo ee baastada ahi wuxuu maanta marayaa 18000 sideed iyo toban kun oo shilin soomaali ah,sigaarka baakidhkii 10.000 toban kun soomaali shilin ah,lamana hayo saliid,sonko,daqiiq(bur)bariis i.w.m.kana fursan mayso in dhaca ka sokow ay suurto gal noqoto in lays qasho cunto la’aan darteed,noloshuna saacadba saacada ka sii danbaysa way ka sii adkaanaysaa,marka laga yimaado dilka iyo geerida dhimashada xadla’aanta ah ee ay bulshadu la deris noqotay,hadaan eebe dadka il kale u furin,dadku wuu ka quustay inuu sal dhigo,qof walibana gaadiid,meeluu ubadka geeyo,iyo anfac raadin ayuu ku maqnaa .
dib ayaanu uga laabanay anagoo jidka kula kulanay Axmed Yuusuf Macalin oo ka soo baqoolay hawlwadaag,isgayska baar Bakiin oo aad noogaga waramay in xaaladu ay sii cakirmaysoisagoo leh intii hore waxaa la lahaa,shicib gaboobay ayaa abuuray xaaladan,waanay iska qaboobi doontaa,hadase waxaa laysla dhex marayaa,muuqanaysana in quwad u.s.c. ahi dibada kaga soo korodhay magaalada,iyagoo sita hub iyo saanadoodii,tii dowladana la qaybsaday,iyadoo awoodii dawladuna ay aad u sii liciifayso,maamulkii soconayeyna lays hor taagay.
LA SOCO QAYBTA 10AAD INSHA ALLAH
ALLAA MAHAD LEH WA BILAAHI TOWFIIQ
Maxamed yaasiin Maxamed ilkacase
myaasiin143@hotmail.com
Antwerpen===========Bilguim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here