Waa maxay ujeedada kadanbaysa in dawlada jabuuti mudo 25 sana ah soomagacawdo wakiilkeeda

0
478

Waa maxay ujeedada kadanbaysa in dawlada jabuuti mudo 25 sana ah soomagacawdo wakiilkeeda

Tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland 1991 waxay bilawday in ay raadiso tageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay ka hesho wadanada gobolka iyo kuwa caalamkaba waxaanay samaysay safafo ay ku kala bixinayso wadamada jaarka oo ay ka mid yahiin Djabuuti. Ethoia Kenya iyo wadamada reer galabeedka oo ingriisku ugu horeeyo . waxaanay jawaabo kala duwan oo u badan talo iyo tusaalaba kala kulmeen inta badanaa wadamadaas gaar ahaan wadanak Ethopia Kenya iyo qaarka mida wadamada qarbiga
Mudadaas ay dawlada Somaliland raadinayso taageerada duplomaasiyeed wadanka Djabuti waxuu dadaal ugu jiraa dhismaha dawlada somaliyeed oo mar labaad cageheega ku istaagta waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in riyadeedaasi rumowdo waxaanay ilaa xiligaa ilaa dawladii tan imika kahoraysaty eee sheikh shariif lagu doortay jabuubi iyadoo ay ka horeeyeen shirar kala duwana oo nabadaynta somaliya ah oo kadhacay gudaha jabuuti
Dawlada jabuuti waxa ugu qaalisay ee wadan wadan kale u huraa waa dhiiga dadkiisa waxaanay jabuuti kamidnqotay wadamada geeyay ciidamadooda ee hoos yimaada komaanka AMISSOM waxaanan odhankaraa waa talaabo fiican marka laga yimaado taageerada dhaqaale iyo mid military ee ay waliba lagarabtagantay dawlada taagta yar ee muqdisho dadka reer Somaliland waxa la odhankaraan way ku faraxsanyahiin taageerada jabuuti ee walalahooga somaliya. Balse dhanka kale
Waxa heshiisyo kala duwan ayay somaliladn iyo jabuuti galeen kuwaas oo ku saabsanaa xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in ay labada dhanba ka furtaan xasfiisyo iyo in lasameeyo gudiyo joogta ah oo kashaqeeya arimaha nabadgalyada ladagaalanka budhcad badeedka, ladagaalanka argagaxisaa ganacsiya iyo isku socodka labada dhan oo lafududeeyo
Dhamaan hesshiisyadaas oo mararbadan iyo dawladaha kala danbeeyay ee soomaliland lagaleen wadanka jabuuti waxuu uu noqday biyo coldaadshay wax ka fulay majiro gaar ahaan xaga jabuutina inkasta oo ay soomaliland markiiba u magacawoday walkiilkeeda u fadhiyi doono jabuuto xiligaas balse wadanka jabuutu wuu ka caga jiidayay
Sikastaba ha ahaatee su,aasha iswadiinta leh ayaa ah maxaay darantay 25 sano kabacdi in jabuuti soomagacwodo wakiilkeeda. Bal hadii aan isku dayo waxa ay aniga ila tahay laba wadan oo jaar ahiba waxaa kadhexeeya tartan dhinacyo badan leh haday siyaasasad tahay, dhaqaale, horumar iyo fahamka dublomaaseyadeed marka taas laga yimaado jabuuti waxay arkasysaa intaas ay Somaliland tartanka kula jirto in aanay ka hormarin taas ayaana keenaysa dagaalka dhinacyada badan leh ee ay ku hayso
Tusaale Somaliland waxay wada hadala kala duwan la gashay wadamada qaar sida imaaraatka oo ay dhawaan kawada hadleen heshiis xaga dakada Barbara ah oo ay imaaraadku doonayaan in berbera u dhisaan sidii ay jabuuti u dhiseen
Waxa kale oo ay Somaliland iyo ithoobiya wada galeen heshiisyo dhawr ah oo ay dawlada itoobiya doonayso in ay isticmaasho dakada Somaliland ee berbera hadaba labadan arimood waxay ka midyahiin meelaha ay dawlada jabuuti u arkasyo in ay khatar ku keenayaan dhaqaalaheega iyo siyaasadeedaba hadii ay Somaliland ka hirgalaan si hadaba ay u muujiso in Somaliland ay cid walba iyaga iskaga dhawyahiin oo ay walaac u galiso wadamada ay Somaliland wadahadalada iyo heshiisyadaba kula jirto ayaay jabuuti xiligan u soo magacawday wakiilkoodan
Talaabada kale ee wax lala yaabo ah waa markii u horaysay ee maareeyaha dakadaha jabuuti uu sheego in ay caawinayaan dakadaha Somaliland gaar ahaan saylac oo uu keenay qalab lagu dayactirayo dakada iyo dekada berbera oo ay dhawaan iyana gayn doonaan qalab ay ku caawinayaan waa arin fiican oo waan soo dhawaynaa maadama oo dawlada jabuuti qalabka ay dawlada somaliya dekedeeda muqdisho ay ku shaqayso oo dhan ay iyagu geeyeen iyagoo lakaashanaya wadanka turkiga Somaliland in ay dakadaha kacaawiyaan waa mid fiican lakiin su,aasha meeha taala ayaa ah ma katanaasuli karaan damacooga siyaasadeed ee ku salaysan ujeedooyinka aynu kor ku soo sheegnay.
Lasoco saamaynta ay jabuuti ku leedahay doorashooyinka iyo madaxda xusbiyada qarranak ee Somaliland …………………………..
ahmed mahamed said

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here