Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

0
314

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

TACSI:

INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta iyo garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya wakhtigii dawladdii UDUB Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo maanta(Salaasa), 25/10/2016 ku geeriyooday magaalada Boorama.

Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo sida oo kale na Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo dadka u sama-fala sida oo kale na qiimo weyn ku dhex lahaa Qaranka Somaliland oo intii uu ku dhex-jiray xidhiidhada diblomaasiyaddeed ee Caalamka meel sare gaadhsiiyey magaca Qarankan Somaliland, waxa kale oo uu ku tilmaamay in wakhtiyaddii uu xilka Qaran hayey uu ahaa shakhsigii dhidibada u taagay xidhiidhka Somaliland ay la lee dahay dalka Itoobiya iyo wadamo badan oo Afrika ka mid ah, ku waas oo Somaliland ku ixtiraami jiray dawladnimaddeeda.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Alle ka baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo janatul Fardowsa, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan ba qaranka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)