Murashaxnimadda M/Waynaha Ee Mustaqbalka Yaa Mudan Oo Lagu Maamuusaa?

0
368

Murashaxnimadda M/Waynaha Ee Mustaqbalka Yaa Mudan Oo Lagu Maamuusaa?

Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland.

Wadankastaaba wuxuu qiimeeyaa oo uu mudnaanta koowaad siiyaa hogaamiyena

Ka dhigtaa Halgamayaashiisa ,Aqoonyahankiisa oo lagu nisbayn karo kuwii ka tarjumayey baahiyaha

Wadanku leeyahay Halgamaaguna waa ninka wadankiisa hooyo u soo halgamay ama maal,xoolo,

Aqoon,iyo Qalinba la daba taagnaa,Taariikhdana inta badan kama dhacdo in wadan jiraa inuu

Mudnaanta koowaad siiyo nimaan soo halgamin ama aqoon dibadaha ku soo bartay oo wadankiisa

Uu ka maqnaa TOBAN SANO iyo wax ka badan shaqsiyaadna noocaas ahi kama tarjumi karaan

Baahiyaha wadanka inuu wax u tari karana ma suurtoowdo waana mihiimadda ay shacabwayne kasta

Oo ka soo jeeda wadan kuna abtirsada inaanay ka suurtoobayn nin qurbe ku raagay oo laab la kac

La yimi waana waxyaalaha lagu kala qiimeeyo muwaadinka wadankiisa inta badan joogay ee talaabo

Talaabo ula socda marxaladaha kala duwan ee wadankiisu soo maray haddaba waxaa iswaydiin leh Haddii aynu nahay shacabwaynaha reer Somaliland wadankeena hooyo yaa mudnaanta koowaad

Xakh u leh in lagu sharfo kusiga u sareeya ee M/waynenimadda ? Yaa mudnaanta labaad xakh u leh

In lagu sharfo kursiga u sareeya ee M/waynenimada? Yaanse Xakh u lahayn inaan lagu sharfin

Kursiga u sareeya ee M/waynenimadda?

Haddii aynu inyar is-dul taagno kursiga u sareeya ee M/waynenimada waxaa xakh u leh Ninkasta oo

Wadanka u soo halgamay gobolkuu doono ama qabiilkuu doono ha ka soo jeedee,mudnaanta labaadna

Waa Ia siiyo ninka wadankiisa hooyo aan toban sano ka maqnaan hadduu doono ha noqdo nimaan

Soo halgamin balse wadankiisa hooyo ay lexjeclo ka hayso,baahiyaha wadankana xogogaal u ah,

Shaqsiga aan mudnaanta la siinayn inuu wadanka M/wayne ka noqdo waa shaqsi toban sano ama

Wax ka badan wadankiisa ka maqnaa oo aqoon maadi soo bartay balse Cilmigii diinta uu faaruq ka yahay

Ama ay iskaga KHaldan yihiin Diintiisa Furqaan oo dadka gaaladda ah ee wax aan diin ahayn diin ka

dhigta ee u haysta inay diimo badani caalamka ka jiraan balse diinta xakha ah ee caalamka ka jirtaa ay

Tahay Diinta Islaamka oo bini aadamka caalamka ku nool ay waajib ku tahay inay diinta rumeeyaan kuna

Dhaqmaan.

Waxay maalmahanba maqlaynay waxaa kaambayn uu ka dhex jiraa xisbiga kulmiye oo rag badan oo

Damac lihi ay u Guclaynayaan Murashaxa M/waynenimada,Qaarna ay diyaar u yihiin Murashaxa

Xisbiga Kulmiye inkastoo xisbiga kulmiye uu yahay xisbiga ugu wayn uguna taageeradda badan

xisbiyadda kale oo la odhan karo waxa ku jira Rag wadanka u soo halgamay iyo aqoonyahano

Qofka damaca lihina xakh ayuu u leeyahay inuu isa soo qadimo haddii loo garto iyo haddaan loo garanba

Waana damac rag iska leeyahay balse waa laga wanaagsan yahay in websityada,wargeysyada iyo tv-

yada la isu mariyo dacaayaddo,cay iyo aflagaado ama dhalinyaro loo adeegsado cayda shaqsiga kale

Ee ay siyaasadda isku hayaan waana arrin aad u fool xun oo aan loo baahnayn.

Qofka bini aadamka ahi rayigiisa wuu cabiri karaa isagoo aan magaciisa qarinayn shaqsiga uu doonayana

Wuu taageeri karaa oo wax u diidaya maaha qofna kama mancin karo.

Shaqsi ahaan haddii aan naftayda ka hadlo shaqsiga aan odhan karo wadanka lix-jeclo ayuu u qabaa

Oo xaaladda wadanka aad ayuu uga dheregsan yahay,habka uu wax u maamuli lahaana khibrad ayuu u

Leeyahay waxaan odhan lahaa waa Mudane:Muuse Biixi Cabdi oo ah shaqsi wadanka u soo halgamay

oo Wadanka Taariikh ku leh,Shaqsiga labaad ee soo raaca ee hanan kara xisbiga kulmiye

Gudoomiyenimaddiisa waa Mudane:Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah shaqsi taariikh leh oo aqoonyahan

ah oo ka mid ahaa halgamayaashii wadanka xoreeyey ee siyaasadda ka soo bilaabay 1991 maayarkii

Burco ugu horeeyey ee Xukuumadda M/wayne C/raxmaan Axmed Cali Allaah(Swt) ha u naxariistee,

Ka dibna Xukuumadda M/wayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) ha u naxariistee ka mid

Noqday Xildhibaanaddii Barlamaanka,waana shaqsiyaadkii aasaasay ururkii kulmiye ee iminkana ah

Xisbul xaakimka wadanka ka taliya,wuxuuna ku guulaystay xilkii loo magacaabay ee wasaaradda

duulista hawada iyo gaadiidka cirka oo labaddii garoon dayuuradeed ee berbera iyo hargaysa ka dhigay

Garoomo Caalamiya oo ay ku soo dhiiradaan dayuuradaha caalamiga ah ee ITOOBIYA,FLY DUBAI,

Wakhtiyada soo socdana ay labadaas garoon noqonayaan garoomadda ugu saxmadda badan ee

maalintii iyo habeenkiiba ka duulaan dayuurado boqol ku dhowaada,inkastoo aynaan haysan aqoonsi

buuxda oo caalamiya haddana aduunyaddu waxay inoola dhaqmaan sidii wadan la aqoonsanyahay

Sababta keentayna waa Nabadgelyadda buuxda ee aan ka jirin wadamada reer galbeedka,reer bariga

Afrika iyo wadamada islaamka ee mustaqbalka inoo horseedi karta AQOONSI BUUXA INSHA-ALLAAH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here