Suldaanka Guud Oo Kala Diray Guddi-Ku-Meel-Gaadh Ahayd Oo Lagu Cumaamaday Deegaanka Halleeya,Kana Difaacay Maayarka Eedo Loo Jeediyay

0
602

Suldaanka Guud Oo Kala Diray Guddi-Ku-Meel-Gaadh Ahayd Oo Lagu Cumaamaday Deegaanka Halleeya,Kana Difaacay Maayarka Eedo Loo Jeediyay

Hargaysa:(warsugannews)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland oo goor danbe oo xalay ah u waramay Warbaahinta,ayaa meesha ka saaray Guddi-Ku-Meel gaadh ahayd oo loo magaacaabay Horumarinta Beelaha Ciiddagle iyo qaban-qaabinta Shir-weyne ay Beeshu iskugu imanayo,taas oo lagu Cumaamadaty Deegaanka Haleeya ee Duleedka Magaaladda Hargaysa.waxa kale oo uu Suldaanka raali-galin siiyay Maayarka Hargaysa oo ay Guddidaasi ku eedeeyeen Fadhiidnimo shaqo iyo kala jeclaysiga Degmooyinka Caasimadda “Caawa [xalay] halkan waxaan ka soo jeedinayaa hadal raalli-gelin ah [Apologize] ah oo madaxda xukuumaddu magacawday ee beesha Ciidagale kasoo jeedda ku socota, taas oo ka jawaabaysa ragga leh beeshayada wixii xukuumadda kaga jira waxaanu kala noqonay kalsoonidii, waxaan leeyahay dee marka horeba idinku madaxdaas kalsooni maydun siinin ee madaxweyne ayaa xulay oo soo doortay, raggaas madaxweynuhu golihiisa beel ahaan ugumuu soo darin ee qaran ahaan ayuu ugu daray, ee halkee bay kuwaas hadlayaa ay kalsoonida ku siiyeen madaxdan. Ugu horeyna arrinkaas fool xumadiisa waxaan ka tacsiyeynayaa oo aan ka raalli gelinayaa madaxda qaranka ee reerkaas [Ciidagale] xukuumadda kaga jira. Mida kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uun baa ku hadli kara ee cid kale oo adeegsan kartaa ma jirto, ciddii afka Suldaanka ku hadasha ee magaca beesha ku matashana waxaan leeyahay oo aan xukuumadda ku guubaabinayaa in ay tallaabo sharci ah ka qaado” sidaas ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi.

Waxa kale oo Suldaan Maxamed maangaabnimo ku tilmaamay eedaha ay xubnaha guddida ku meel gaadhka ah kamid ahayd ee shalay hadashay ay u jeediyeen duqa caasimada Hargeysa “Marka ay leeyihiin maayarku uma qalmo magaalada, dee horta reerkayagu muu dooran maayarka ee shacbiga reer Hargeysa oo dhan baa dooratay ee ma aha mid aad idinku keensateen” ayuu hadalkiisa ku ladhay suldaanku waxaana uu intaas ku daray oo uu is barbar dhigay maayarkii hore ee Hargeysa iyo Maayarka xilligan oo labadaba ay shacbigu soo doorteen “ Maayarkii hore ee Hargeysa ee tobanka sannadood joogay Waxa uu ahaa Jiciir, welina ummada reer Somaliland erey gef ah kamaanu maqal ay maayar Jiciir ku aflegaadaynayaan kamaanu maqal, laakiin saaka ta aad idinku ka hadasheen waa mid deel qaaf ah ee maayarka Hargeysa iyo golihiisaba waxaa doortay reer Hargeysa, ee reer gaar ahi ma cambaarayn karo”. Wuu sii watay Suldaanka guud hadalkiisa oo waxa uu farta ku fiiqay qoddobo distoori ah oo muwaadinka xaq u siinanaya cabirraada ra’yigiisa iyo hadalkiisa, kuwaas oo geesta kale haddii lagu talax-tago qaran-dumisnimo horseedi kara “dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qawlku dalkeena wuu ka jiraa oo dawladdu way ogoshahay, laakiin waxaa kale oo jira qoddobo distoori ah oo madax dhaqameed ku tumanayo ama qof kale oo dantuu lahaa ay socon wayday uu ku tumanayo, kuwaas oo warbaahinta laga sii daynayo, kolkaas dadka caynkaas ah haddii aan xukuumaddu dabo-gal ku samaynin fool xumo weyn baa ka iman karta”.

Warsugannews
Somaliland Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here