Musharaxiinta kasoo jeeda Puntland oo Garoowe ku yeeshay kulan gaar ah:

0
362

Waxaa maanta (Isniin) magaalada Garowe shir saacado badan qaatay uu ku dhex maray siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland, ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland

Kulankaan oo looga hadlay xaaladda dalka iyo Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Guriga C/raxmaan Faroole ee magaalada Garowe.

Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Musharixiinta madaxweynaha ee kala ah Cabdiraxmaan Faroole, Raisal wasaare Cumar C/rashiid oo ay wehliaan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Xildhibaan C/risaaq Cusmaan Jurrile.Shirkaan oo ahaa mid aanay saxaafadu joogin ayaa waxaa la iskula soo qaaday xaaladda Doorashada dalka, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan xaaladda amniga Doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacdo, waxaa kaloo looga hadlay danaha Puntland iyo sidii beel ahaan loo ugu midoobi lahaayeen musharax u soo dhiciya xilka madaxweynaha Soomaaliya.