SUURIYA: Ciidamada dowaladda oo qarka u saaran in ay la wareegaan magaalada Xalab

0
432

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa qarka u saaran in ay ku guuleystaan la wareegidda gacan ku haynta magaalada Xalab, halkaasi oo ay fallaagadu kula dagaalamayeen muddo afar sano ah.

Milatariga Suuriya ayaa qabsaday degmooyin badan oo ka tirsan bariga magaaladaasi oo fallaagadu ay maamulayeen, waxaana qaybaha yar ee soo haray ku socda duqeymo lixaad leh.

Dadka rayidka ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi dhibaato ku haysata. Qaar ka mdi ah dadkaasi ayaa waxa ay baraha xiriirka bulshada soo dhigayeen farriimo dardaaran ah iyaga oo isu diyaarinayay in ay dhintaan.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegaysaa in dowladaha Ruushka iyo Suuriya ay khasab tahay in dhabarka loo saariyo mas’uuliyadda gabood falyo halkaasi ka dhaca.