Muwaadin Yuusuf Daahir oo Dardaaran, Dhiirigelin iyo Hambalyo u diray Ardayda ka soo baxday Jaamacadaha Dalka

0
556

Yuusuf Daahir oo ah Muwaadin u dhashay Somaliland in muddo ahna ku sugan dalka fadhigiisuna yahay Dalka Canada oo uu muddo ku noolaa ayaa waxa uu caan ku yahay Sawir qaadista iyadoo shacbiga Somaliland aqoon dheeraada u leeyihiin xidhiidh dhawna ay leeyihiin dhalinyarada Somaliland gaar ayaa dhambaalkan waxa uu u dirayaa guud ahaan inta cilmiga iyo aqoonta la saaxiibka ah ee ay wadaniyadu ku dheehan tahay.
995625_10154494434040360_213443249023458144_n
Congratulations dhamaan aqoonyahanada dalkooda wax u bartay, anigu waxaan idin la wadagaayaa kalmado an u arko inad guusha aad higsanaysan ku gaadhi kartaan, noqda kuwii samir yeesha, noqda kuwii aqoontooda sii kordhiya kana faidaysta technolgy yada manta ay haystan, noqda kuwii luqadaha barta si wacana u barta, nowda kuwii iyagoo dalkooda jooga dunida xidhiidh la lahaada ee dalkooda iyo caalamkaba isku xidhiidhin kara, noqda kuwii shaqada ay helaan horumar ku soo kordhiya ee an ka dhigan meel ay u xaadiraan oo mushar uun ka qaataan, noqda kuwii wax dhagaysta ee aan isku qaadan kuwo wax walba yaqaana, noqda kuwii dalkooda ka horaysiiya tooda gaarka ah, noqda kuwii dalkan horumarkisa ka shaqayn lahaa, noqda kuwii wakhtigooda aan siyaasad ku lumin ee danta guud iyo Somaliland u sinaada, noqda kuwii qabyaalada, xasadka ka fogaada, ha noqonina kuwii caagadaha iyo bacaha degaankoda ku tuurin ee noqda kuwii ilaashan lahaa, ha noqonina aqoonyahanadii shaqsi qaanac ahi dalkooda nacsiin lahaa ee badweynta iyo saxaraha ku dhiman lahaa, ha noqonina kuwii TITLE madhan sheegan lahaa ee noqda kuwii magacooda ku faana, noqda kuwii ogsoonaada in aan tacliinta laga qalin jabin ee ilaa uu talax gabo aqoonta sii kordhista, noqda kuwii jiilasha soo socda ka sii fekera si ay ugu diyaariyan nolol tadawar iyo dhaxal ay raadraacaan u nidaamiya. Guulaysta Insha Allah imikuun bay hawli idin bilaabantay

10620550_1466943916911545_3459220154666679079_n

Allah ha idiin fudaydiyee Ameeee.

Ph Yusuf Dahir.

warsugannews
Hargeysa / Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here