Af Soomaaaligu wuu ilmaynaya

0
376

Af Soomaaaligu wuu ilmaynaya

Marka hore Salamu Calaykum Waraxmatulahi Wabaarakato, Marka xigta Waxan si kal iyo laab ah u salaamaya Saxaafada xorta ah ee had iyo jeer ba u heelan sidi ay bulshadeena ugu dhargin lahayd hadba wixi ku cusub calaamka iyo noolashaba Ma jecli in aa wax dhaliilo balse waxan jecelahay in aan wax saxo iyadon laa is qoonsan,qofkastaba amin ayu wax dhugta waxana fahma waxa aniga iga dhiman waxan huuba in ay walaalkay ku jiran haddan si cafiimad qabta igu dondoono. Akhriiste fadlan adigon ka boogan maqaalkayga ujeedaadisa ha ii xukuumin ee bila calayk daymo u lahow duluucdiisa iyo waxan igu qasbay in aan qalinka qaato isla markana aan u hiiliyo afkayga hooyo (af soomaaliga) baryahan dambe qofkasataba sida u doono ayu qorra af Soomaaliga iyadon oon fiira gaar ah laa sinayn tubti u laha qormo qorraalka af Soomaaligu amaba aan la marayn qawaacidki u af Soomaligu hodanka ku aha ee qofku haddi u barto u soorogalinayn in u si fican u qorro una fahmi isku xidhkiisa iyo kala isa saarkisaba sida gabaygan hoos ku xusan oo kaleh.
Xada gabay haddan xasanow yara xaantobshow
Xidiidkisa hoosiyo haddan gaalo xaraakadiiisa
Xumaan iyo waan ka baydha wixi xanafta keenaya
Waxa malin dhawayd aan dalaacday maqal u qorryay nin isku sheegay in u yahay QORRA sare oo waliba buug alifay waa sida u hadalka u dhigay, bilxaqiiqadan marki aan akhriyay qorraaladi u dabacay ninkani waxan aan kala garanwayay waxan u qorray waxay ay yihin waayo marka aad u fiirsato maqalka u qorray xag afeed iyo xag qawaacid ba way wada qaldan yihin Af Soomaalina lagu ma sheegi kari waxan u malmaaluugay , AKHRISTEE BAL HALKAN GUJI SI AAD U ARAGTID QOFKAN WAXAN U QORRAY

“MAXAY KA SHEEGEEN QOXOONTIGA EUROPE KU SOO JABAY SIYAASIYIINTU “


Runti maqalkasi waxa lagu qorray af Soomaali kala dhantaalan oo kala dhiman waxan aad iskugu dayay in aan fahmo maqalkasi wuxu u ka hadlayo balse nasiib daro wan fahmi kari wayay wayo qofka qorray maqaalka aya aha ruux u af Soomaligu qaalil ku yahay
Qofka qoralkan noocan ah qorraya oo waliba leh af soomaaliga ayaan aqaana miyayna haboonayn in u marka hore afka barto oo u fahmo. Waxan odhanlaha dadka noocas ah luuqada dheeldhelka nooga daayaa oo ixtiraama xuuquqda ay xurfuuhu leyihin iyo Af Soomaaligu guud ahaanbe. Afkani ragba ku tabcay oo aliifay bal ayno yara guud maro tariikhda Af soomaliga dadkani malaha garanmayaba marxaladihi u so maray afkani ee
Far soomaaliga waxaa la qorray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qorraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka bacdi Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.18 nooc oo af Soomaliga loo qorro aya waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan. Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan Shire Jaamac Axmed taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag, biirayaal bille ah sida “Iftiinka Aqoonta” iyada ay jireen tartan balaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here