A/rahman Ciro Isu Casili Maayo Doorasho La Qabanayo 2017 By Abdi Mustafe

0
724

A/rahman Ciro Isu Casili Maayo Doorasho La Qabanayo 2017 By Abdi Mustafe

A/raxman Ciro wuxuu diyaar u ahaa in uu iska casilo xilka gudoomiye ee golaha wakiilada hadii uu Silaanyo dikriito ku soo saaro maalinta doorashada dhacayso 26 June 2015. Silaanyo iyo awr-kiraale yaashiisu waa kuwii ka gows adeegay inay doorasho qabsoonto waqtigii xaqa ahaa.

Sidaa darteed A/raxman Ciro isu casil maayo iminka doorashada dikriitada lagu soo saaray ee dhici doonta March 2017. Silaanyo iyo rakaab kiisu way ku rayn lahaayeen sidii Ciro sheegay in ay gudoomiyaha wakiilada ka dhigtaan wadaad hantida ummada ee la soo dhaco u xalaaleeye isna badh kiisa la siiyo laakiin dhici mayso oo A/raxman Ciro ka degi maayo kursiga gudoomiyaha wakiilada ilaa December 2016

inshaallaa. Hadii uu Ciro is casilo oo Baashe oon Somaliland jeclayni uu kursiga ku ruqaansado dabeed Somaliland si sahlan baa koonfur loogu darayaa.

Isku soo xoori oo dikriitada Silaanyo ay ku qasbeen weftigii ka socday Nichloas Kay waxba ka bedeli mayso mowqifka Ciro ee ah in uu dowlada ka hor taagnaado inay Somaliland hantideeda baabiiso oo weliba Xamar iyo Hargiesa na la isku daro. Xukuumadu waxay ogtay in aan dib loo dooranayn oo sidaa darteed bay u iibsanaysaa hantida dalka oo dhan dabeedna way tahriibaysaa.

Abmustafe123@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here