Hooyada Caagada Huruuda Ah Sidata Ee Biyaha Raadinaysaay Alla Ayaa Ku Maqan !!

0
872

Hooyada Caagada Huruuda Ah Sidata Ee Biyaha Raadinaysaay Alla Ayaa Ku Maqan !!

Waa Hooyo kaaryoone wadata oo habeen madaw hulaylaysa kaga sii darantee kaaryoonaha dirqi iyo tu alle ayay ku wada o cidna u maqnayn ceeel u qodnayn hada ogoobeey caruur tirobada lix ah ayay ka timi OO haraad iyo Oon kawgasiiyay oo dhariga dabkaba loo saarin waa habeenimo waliba saqdii dhexe waxay la dhacdhacaysa kaaryoon afar jirikaan oo biyo ahi saaranyihiin si ay bal wuxuun u gaadhsiiso maatiday ka tami meesha ay kaaryoonaha marinaysa wa raf iyo rafaad miidhan way wadaa hadana way is taajisa allayn kaaryoonihii aya u xoog sheegtee.

Way yeedhay yeedhitaan qalbiga ku taabanaysa oo markaad maqasho qalbi ku gilgilaysa oo waxay tidhi {Hooyo ha haraadina oo siday ha raafadinee I caawiye } hada Waa hooyo ilmo ayaa ku taagan oo wad yaxyaxaysa markad aragto Si deg deg ah ayaan u soo dhaqaaqnay aniga iyo inankale oo meesha ila taagnaa oo waxaanu hinjinay kaaryoonii runtii qof dumar ahi may wadi karahayn hooyona hadalkeedaba daa intaa way ducaynaysaa oo way noo mahad celinaysa , waliba hadalkeeda waxaa ku jiray {Hadaan inan xoog leh lahaan lahaa ma ciil ayan qabi laaa hooyo duco ayaan idinku ogohay .

Hooyadii hargaysa ku noolayd xaalkeedu waa kaa !

Bal dhinac kale eeg wll

Madaxwaynaha Wasiirada biyaha , arinaha gudaha , Qoyska iyo arimaha bulshadu, Hada waxay wataan gawaadhi Hargaysa ku yar waxay ku jiraan guryo bangalooyin ah ku darsoo Biyuhu Hadh iyo habeen way cabaan , caruurtoodu dadka way ka sareeyaan oo ka sandheeryihin, maxay masuulid isa saran lama arko oo looma galaba talaw miyaanay dadka u shaqaynahay .

Khulafaa u rashidiinti mid ka mid ah wuxu lahaa ( waxan ka baqanaya in la ii qabsado qofka ku turaan turooda madiina wadooyinkooda ) iska dhaaf cadaalad daro ay sameeyaane ,Cumar binu khadaab marku amiirul muminiinka ah waa kii isaguna dushiisa ku xanbaaray e hinjiyay daqiiqda hooyada bahana u geeyay isagoo tunka ku sida

Anigu waxan leeyahay Hooyada Caagada Huruuda ah wadataay ee biyaha raafadka iyo daalka ugu jirtaaay ogoobeey waxaa leeedahay ilaah kuu naxariista oo manta maalin aan ahayn rafaadkaa ajar kuugu badala .

Hooyo sabir oo ku sabir dhibaatada biyo la,aanta maalin uun ayad cadaalad heli oo sacabada biyaha ku cabi doontaye

Mukhtar bukhari

Dhigta arimaha bulshada

0634148717

Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here