Muxuu ka yiri Carlo Ancelotti kulanka caawa ee Arsenal?

0
425

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay kulanka caawa kooxdiisu ay marti qaadi doonto kooxda Arsenal.

Ancelotti ayaa sheegay in Arsenal ay tahay koox ku fiican weerarka rogaal celiska ah laakiin kooxdiisa looga fadhiyo inaysan siin wax nasiino ah.

57 jirka reer talyaani ayaa intaa ku daray in kooxdiisu ay u baahantahay geesinimo, khibrad iyo xoogaa nasiib ah si ay guul uga gaarto Arsenal.

“Waan ognahay in Arsenal ay tahay koox aad u fiican, waxaan u baahanahay geesinimo, khibrad iyo xoogaa nasiib ah” ayuu yiri tababare Ancelotti.

“Ixtiraam badan ayaan u haayaa Arsenal, waxay ciyaaraan kubadd cajiib ah, laakiin waa inaan ku qasabnaa inaysan helin wax nasiino ah gudaha garoonka”.

“Waa sax Arsenal waa koox ku fiican weerarka rogaal celiska ah, waxay heystaan ciyaartoy orod badan laakiin ciyaartu waa 180-daqiiqo ee ma ahan kaliya 90-daqiiqo”.