Muxuu Salka Ku Hayaa Safarka Uu Farmaajo Xalay Ku Tagay Dalka DR Congo?

0
283

Madaxweynaha wakhtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay gaadhay  magaalada Kinshasa ee caasimada DR Congo, xili Farmaajo uu waajahayo go’adoon dhanka xidhiidhka caalamiga iyo Beesha Caalamka ah.

 

Lama faah faahin waxa uu la xadhiidho safarkan deg degta ah ee Farmaajo kaga baxay  magaalada Muqdisho. Waxaa garoonka dityaaradaha ee N’Djili  ku soo dhaweysey haweyneyda ah wasiirka arrimaha dibadda ee DRC Marie Tumba Nzeza.

Eritrea iyo AMISOM

Qoraal Villa Soomaaliya xalay faafisay ayaa lagu sheegay in Farmaajo kala hadlayo Madaxda DR Congo dhanka iskaashiga labada dal, Madaxweynaha cusub ee DR Congo ayaa hada ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana la rumeysan yahay in Farmaajo ka codsan doono inuu kala shaqeeyo sidii dalka Eritrea loogu dari lahaa waddamada xubnaha ka ah ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM.

Eritrea ayaa waxaa xiligan saaran cunaqabateyn caalami ah oo la xadhiidha in dowladaasi ay hub siin jirtay kooxda Al Shabaab iyo in ciidamada Eritrea xoog ku qabsadeen dhul ka tirsan Jabuuti, balse dowladaasi ayaa dhawaan sheegtay inay iskaashi la sameysan doonto dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Cadaadiska Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo Felix Tshisekedi ayaa hadda ah Madaxweynaha Midowga Afrika ee muddo xileedkiisu wareego, waxana Midowga Afrika ay kamid tahay dalalka cadaadiska ku haya Farmaajo in uu dib ugu laabto wada hadalkii doorashada oo uu joojiyo muddo xileedka uu korodhsadey. Midowga Afrika oo ciidamo aad u badan ka joogaan Soomaaliya ayaa doonaya in ay ka hortagaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay qaadaan dalalka reer galbeedka ee bixiya dhaqaalah AMISOM, cadaadisna la saaro Farmaajo, si ayna hawlgalka saameyn ugu yeelan.

Taariikhda cusub ee DR Congo

Dalka DR Congo oo ku yaalla badhtamaha Afrika ayaa kamid ah waddamada ay ka jireen xiisadaha siyaasada iyo xasilooni darada walow dalkaasi uu ku guulleystay inuu qabto Doorasho bishii December.

Doorashadii DR Congo ee sannadkii hore ayaa ahayd midii ugu horreysay taariikhda dalkaasi oo ay si nabad ah xilalka ugala kala wareegeen Madaxweynaha cusub Felix Tshisekedi iyo Madaxweynihii hore Joseph Kabila.

War ka soo baxay DR Congo ayaa lagu sheegay in safarka Farmaajo qaadan doono hal maalin dibna uu dalkiisi ugu laaban doono saacadda DRC markey tahay 13:30.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here