Ciidan Ka Socda Dalka Nigeria Oo Soo Gaadh

0
460

Dowladda Nigeria ayaa 144 Sarkaal oo boolis ah u soo dirtay Soomaaliya, iyagoona qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

 

Saraakiishan oo la socday diyaarad ay Qaramada Midoobey leedahay ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan ayaa diyaaradda ka soo raacay Magaalada Abuja ee Xarunta Wadanka Nigeria.

Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Saraakiishan ay muddo hal sanno ah ka hoos shaqayn doonaan Taliska AMISOM, iyagoo markaasi la talin iyo taageeraba siinaya Booliska Soomaaliya.

Imaanshahooda Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, xilli Booliska AMISOM ay toddobaadkii hore dib u bilaabeen hawlgaladii wadajirka ay la samayn jireen Booliska Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here