Nina Dhuunibuu Kuu Dhex Joogaa Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabay.W/Q:- Xasan Mataan Faarax Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Germany

0
423

Nina Dhuunibuu Kuu Dhex Joogaa Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabay.W/Q:- Xasan Mataan Faarax Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Germany

Waxa uu qoraal kaygani jawaab u yahay hadal bulshada inta samaha jeceli aad ulla yaabtay oo kasoo yeedhay Masuul katirsan Xukuumada Siiranyo oo ah Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibeda oo magaciisa layidhaa Maxamed Mixiile Boqore kadib Markuu Saxaafada lasoo fadhiistay hadal lid ku ah in labad baadiyo ama loo gurmado bulshada Reer Somaliland ee abaaruhu baabiiyeen.

Isagoo sheegay in ninkii dadkaa tabaalaysan gurmad u raadiyaa uu yahay dambiile qaran kuna kukacay qaran dumisnimo.
Xaqna aanu ulahayn inuu Haya,ad iyo Dawlad toona gaadhsiiyo baaqa qaylo dhaanta Masiibadaa Abaaraha Dad iyo Xoolo galaaftay iyo in cidaan Xukuumada ahayni gurmadkaa Arin iyo Aduun toona Kaqayb qaadan karin.

Arinkaasoo ah in Xukuumadu Cuna-Qabatayn iyo Xayiraad kusoo Rogtay gurmad wixii la gaadhsiin lahaa Dadkaa iyo Xoolahaa dhamaanaya, Maadaama uu leeyahay Beesha Caalamka iyo Cidii gurmad ufidisa Ama Dalka u timaada xaqiiqo Raadinta Iyo qiimaynta baaxada dhibaatada Abaartu geysatay Jeelasha ayey liinta kucabi doonaan haday dalka cagsoodhigaan.

Anaguna sidaasaanu u daawanaynaa balsiday u bakh-bakhtiyayaan waa wax laga murugoodo sheegashada Masuuliyada noocaasi ahi Shacbiguna maanta wuu kala garanayaa ninka u hool hoolaya iyo ka sifiican ugu xiiraya.

Waxaan kusifayn lahaa dadka maanta Xukunka haya heesta geela loogu Heeso ee tidhaa nina dhuunibuu kuu Dhex joogaa nina dhaqashuu kuugu dhabar jabay.

Hadaba maadaama bulshadu ka dheregsan tahay sida masuulkaa hadlaya iyo Xukuumada uu xilka u hayaa kaalin toodii iyo waajibaadkii kasaarnaa bulshada u dayaceen oo aanay wax gurmad ah oo muuqda uga geysan xaaladaa ba,an ee dalka iyo dadku kujiraan, ee ay baadhi to Baadhiga isagaga jiraan.

Halka Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee uu xajiimaynta iyo xag-xagashada indho la,aanta ah kula dul kufay ay ilaa maalintii masiibadaasi bilaabantay aanay kala-hadhin bulshadooda tabaalaysan wixii Xisbi ahaan itaalkooda ahaa , kadibna ay isu xilsaareen una tafo xayteen kaalinta ay Xukuumada iyo Xisbi Xaakimku dayaceen oo ah inay baaqdheer iyo mid gaabanba ku gaadhsiiyaa beesha Caalamka Masiibada baahsan ee aanay haynin Awood intaa kabadan oo ay wax kaga qabtaan ciday ku haleeyaana aanay jirin,
Haseyeeshee ayku guulaysteen baaqi ay beesha caalamka ugu bandhigeen in gurmad deg deg ah lalagaadho dadkaa iyo duun yadaa dhamaanaya laga aqbalay oo waddamadii ay Safaaradahooda lakulmeen si dhakhso ah uga soo jawaabeen inay kaqayb qaataan gurmadka abaaraha.

Ayaa waxa wax-lalayaabo ah in ninkaa weyn ee masuulka Sheeganaya oo aan hadalkiisa haba yaraatee aan wax masuuliyad ahi kamuuqan oo aan odhankaro hadalkaa kasoo yeedhay waa wixii Somalidu odhanjirtay dhidar Onkod kiciyey dhan waliba waa u toos.

Wuxuu bulshada u cadaynayaa Arxan darada iyo inaan Xukuumada talada dalka haysaa dan iyo muraad kalahayn Dad iyo Xoolo toona wixii dhamaanaya, laakiin baaqiga hadha ay doorasho iyo cod kasugayaan taasoo kadhigan waraabihii yidhi

Hooyaday Haday Dhimatana Waan Cuni Haday Noolaatona Waan Jiqi.

Waxaan hadalka kusoo gunaanadayaa xukuumada maanta talada haysa ku odhan lahaa
Maah Maahdii ahayd
ATOORKU YACDA ABAAHO-NA KAMA-DAAYO ABAARNA KAMA-KEXEEYO.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Germany Hassan Mataan.