Prof Samatar Oo La Waydiiyay Inuu Doonayo Musharaxa Madaxweyne Xigeenka Kulmiye iyo Jawaabta Uu Bixiyay

0
472

Prof Samatar Oo La Waydiiyay Inuu Doonayo Musharaxa Madaxweyne Xigeenka Kulmiye iyo Jawaabta Uu Bixiyay

“Waanu sheekaysanay walaalkay Muuse oo si wanaagsan baanu u sheekaysanay, horena iskumaanu aqoon”
Hargeysa(Warsugan) Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa markii u horaysay sheegay inuu eegi doono fursadaha mansab ee uga soo baxa wada hadal uu la leeyahay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye. Waxa uu ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo su’aal ahayd inuu doonayo kursiga musharaxa madaxweyne xigeen ee Kulmiye oo wakhtigan madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici ku fadhiyo. Waxa uu sheegay inuu hore madaxweynaha Somalia ugu tartamay balse hadda uu eego doono fursadaha mansab ee u soo baxa.

Prof-ka oo waraysi siiyay telefishanka Startv wuxuu sheegay inuu bilihii u dambeeyay wada xaajood la lahaa musharaxa madaxweynaha Kulmiye mudane Muuse Biixi. Muddooyinkii u dambeeyay ayay soo baxeen hadal hayn ku aaddan in Prof Samatar loo wado musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye, booskaana laga saari doono Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, arrintaasi oo waxa uu kaga jawaabayo la waydiiyay Prof Samatar waxa uu yidhi “ Waxba kama jawaabayo, saw hadda maad garan.”

Prof. Samatar oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay si fiican isu barteen musharaxa Kulmiye oo muddooyinkii u dambeeyayna wada hadal u socday “Waanu sheekaysanay walaalkay Muuse oo si wanaagsan baanu u sheekaysanay, horena iskumaanu aqoon, waxaanu ka soo wada baxnay iskuulka Camuud oo aniga laba sannadood buu iga dambeeyay laakiin, aad baa loo yaraa oo caruur baa la iska ahaa oo markaa ismaanu aqoon, intii dabadeedna kulamo badan oo caynkaasi maanu yeelan laakiin, waanu sheekaysanay dhawrkii bilood ee u dambeeyay, sheeko wanaagsanna way na dhex martay oo wada sheekaysi caqliyaysan baa na dhex maray. Waa qof aan bartay in ixitraam weyn aan u qaado,” ayuu yidhi Prof Samatar.
Prof Samatar wuxuu sheegay in hore hammigiisu u ahaa heer madaxweyne balse hadda uu eegayo hadba sida jaaniska soo baxaa noqdo una qanciyo “Anigu madaxweyne ayaan u orday, markaa madaxweyne kuxigeen, dee kolba siyaasaddu siday u taallo in loo socdo weeye oo Soomaalidu waxay tidhaa “Kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa,” markaa kolba sidii loo jabo in loo dhutiyaa waa muhiim laakiin, aniga hammadayda ugu weyni waxay ahayd inaan Somalia madaxweyne ka noqdo, dee halkan wixii ka soo baxa ee kolba suurto gali kara ayuun baynu eegi, anigase imika wax ii go’an oo khaasatan iigu go’an ma jiro,” ayuu yidhi Prof Samatar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiga Kulmiye wada hadal u socdo, jaanisyada ka soo baxana uu eegi doono siday u qanciyaan “Fursadaha iyo suurto gallada soo baxa aniga siday ii qanciyaan weeye, xisbiga Kulmiye-na wuxuu ka mid yahay saddexda xisbi ee aan la sheekaysanayo ee imikana sheekooyinku noo socdaan laakiin, dhalinyarada suxufiyiinta ahi waxbaad ururisaan oo haatufyo aanan anigu arag baad la hadashaan oo war ka dhigtaan, markaa taasi idinka ayay idiin taallaa,” ayuu yidhi Prof Samatar.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar uu dhawaan ka jawaabayay su’aasha ah in Prof Samatar lagu bedelayo Musharax Cabdiraxmaan Saylici wuxuu sheegay inay si weyn u danaynayaan Axmed ismaaciil Samatar, balse aanu qorshahoodu ahayn inuu khilaaf u horseedo. Musharaxa ayaan su’aashaasi si faahfaahsan uga jawaabin, balse si toos ah u sheegay rabitaankiisa Prof Samatar