Puntland oo soo bandhigtay hubkii ay kala wareegtay kooxda Daacish

0
620

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maalinimadii shalay safar dhanka bada ah ku tegey degmada qandala oo dhawaan laga xoreeyey dagaalyahanada ururka Daacish oo mudo haystay halkaasi.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinaayey gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada puntland.

Safarkan oo qaatay dhawr saacadood ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay doomo dheereeya ka raceen magaalada Boosaaso, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka degmada, saraashiisha iyo ciidamada ku sugan degmada taarikhiga ah ee Qandalla iyo shacbweyne aad u tiro badan.

Intaasi kadib Madaxweynaha iyo wefdigii uu hogaaminayey ayaa waxa ay kormeer lug ah ku soo mareen goobo taarikhi ah oo ay caan ku tahay degmada Qandala iyo sidoo kale dhismayaasha Dawladda oo ay dagaalyahanada Daacish u geysteen burbur xoogan mudadii koobnayd ee ay ku sugnaayeen degmedaasi, waxaana ka mida goobahaa ay wax yeelada u geysteen cisbitaalka weyn ee degmada Qandala, dhismaha hooyada iyo dhalaanka, dugsiga hoose dhexe ee degmadaasi iyo sidoo kale Saldhiga ciidanka Booslika.

Ciidamada ku sugan degmeda Qandala ayaa soo bandhigay hub ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamadii ay dagaalka la galeen ee Daacish, waxaana hubkaasi kamid ahaa qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo hubka fudud ee garbaha laga tuuro iyo gawaari ciidanka lagu qaado.