Xildhibaan Cabdweli Ibraahim Muudeey oo ku guuleystay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad

0
561

Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wax yar ka hor ku guuleystay doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday maanta xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Mr. Muudeey ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir,  isaga oo helay 165 cod, halka Faaraax uu ka helay 93 cod, sida ay muujineyso natiijada horduahaca ah.

Musharaxa guuleysanaya ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka.

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.