Qaar Kamida Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Maroodijeex Oo Hambalyo U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Gobolka‏

0
351

Qaar Kamida Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Maroodijeex Oo Hambalyo U Diray Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Magacaabay Gobolka

Hargeysa(WSN)-Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Xusno Maxamed Warsame iyo Gudoomiyaha Degmada Gacan Libaax ee Xisbiga Kulmiye Md. Xasan Maxamed Cabdilaahi ayaa si wadajir ah Hambalyo ugu diray Gudoomiyaha Cusub ee dhawaanta loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Md.Maxamed Iid Dhimbiil iyo Gudoomiye Kuxigeenkiisa Md.C/raxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye

Labadan Masuul ayaa waxa ay si wadajir ah hambalyeeeyeen Masuuliyiinta Sare ee dhawaanta loo magacaabay Xilka Gudoomiye iyo Kuxigeen ee Xisbiga
Kulmiye ee Gobolka Maroodijeex iyagoo isla markaasina ilaahay uga baryey inuu ku asturo xilkaas culus ee loo magacaabay

Masuuliyiintan ayaa sidoo kale balanqaaday inay intii karoon koodaa ku garab istaagi doonaan taakulaynta xilkaas balaadhan ee loo magacaabay