Qabyaalad Aynu Ka Hadhnee Maxaynu Kaga Maarmi Karnaa:? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi:

0
648

Qabyaalad Aynu Ka Hadhnee Maxaynu Kaga Maarmi Karnaa:? Qalinkii Nimco Baashe Cabdi:

Adigu hadaad fahanto in ay qabyaaladu tahay wax xun in ay tahay haan gun la ama hal bacaad lagu lisay adigu

In qabiilku duli yahay

qab qabluhu tijaar yahay

alla ma cidbay ka dadan tahay:

Abwaan ilkojiir

Shayga la yidhaa qabyaalada waa cudur siday shegeen, aqoon-yahanadii ka hadlay kaas oo ku dhex milmay isla markaana ku dhex dhintay kuna daxaleystay maanka iyo maskaxda dadkeena. Waa shay soo jireen ahaa ilaa awowgeenii sadexaad ama labaad aabayaasheen ayaa lagu anqariyay markii ay dhasheen waxaana lagu hadal baray reer habal sidoo kale inagana waa la inagu habay kaas oo aynu u nuugnay sida caanaha naaska hooyada. Qabyaaladu waxay noqotay sida dharka aynu xidhano maxaa yeelay qofna inta uu dharka iska bixiyo suuq-yada magaalada ma maraayo isagoo mudh ah, sidaas darteed waaba lagula

yaabayaa hadaad qof ku tidhaa qabyaalada iska daa hadaba dadkeena intaas oo dhan reer habal soo hayay sidee qalbigooda iyo qulubtooda looga nadiifin karaa isla markaana looga sifeyn karaa shayga la yidhaa qabyaalad? Adigu hadaad fahanto in ay qabyaaladu tahay wax xun in ay tahay haan gun la ama hal bacaad lagu lisay adigu intaas hadaad fahanto waxaad awood u leedahay in aad fahansiin karto kana dhaadhicin karto saaxiibkaaga ama saaxiibadaada aaminsan qabyaaladu in ay tahay wax lagu faano waxaanad ka dhaadhicin kartaa in ay tahay wax laga faano. Way yar adag tahay in awoowgaagii intaas oo sanado soo taagnaa ee intaas oo jeerna reer habel u soo taagnaa laga yabaa in ay adag tahay hadaad tidhaa. “Awoowo qabyaaladu waa wax xun” waxaa laguugu jawaabayaa ma maanta ayaad taa keentay maxaa yeelay waa wax ka dhaadhacsan dhiigoodana raacday in ay tahay wax lagu faano qabyaaladu,

Dhibka ay qabyaaladu dadka u horseedo

Waxaad arkaysaa dad badan oo noloshooda oo dhan ay ku xidhan tahay qabiil.

Waxaad arkaysaa dad badan oo aad is odhaneyso kuwan ma waxay u nool yihiin qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof lagu hor cayaayo laguna hor af lagaadaynaayo hooyadii iyo aabihiisii dhalay ee ifka keenay ILLAHAY ka sokow.

kama damqanaayo kamana xumaanayo cayda lagu leeyahay lakiin haday dhagihiisu maqlaan reer habel waa sidaas isla markiiba sida Malaga ayuu kugu so boodayaa qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa dad badan oo shaqo ayna xirfad u lahayn qabanaaya qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof lacag uuna shaqeysan una dhididin iska qaadanaaya qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof wixii uu hanti lahaa si yar looga qaadanaayo qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof shaqo uu daacad u yahay loo diiday qabiil dartiis.

Waxaad arkaysaa qof u ololaynaaya reer habel si uu magac u helo qabiil dartiis.

Maanta haday dawlada arrin ay kaa gasho oo uuna adeerkaa ama abtigaa ama qof kale oo aad is haybsataan uuna dawlada xubin ka ahayn arrinkaagaasi in uu hirgalo waxay kugu qaadaneysaa wakhti badan ama waa inaad laaluush bixisaa oo aad tidhaa waar habalow intaas qaado oo hawshaa ii dhameee. Lakiin hadii uu qof aad isku beel tihiin dawladaa ka mid yahay bariiskaagu xaga hore ayuu ku bisil yahay waxaana la odhanayaa inankii ama inantii aan adeerka u ahaa ee reer habel. kolay wuu dareemi karaa siyaasi kasta oo dawlad soo maray ama qof uu dawlada mowduuc kaga xidhmay.

Maanta haduu adeerkaa iskuul leeyahay oo qofka u yar laga qaado 10 dolar laga yaabaa in uu adiga adeerkaa ku yidhaa adero adigu wax lacag ah bixin maysid ee iskuulku waa keenii waana kaagii. Wiilka yar ee hooyadii suuqa ku iibiso xabuubta waxaa dhab ah maalinta ay bishu kow noqoto in hadii uu soo bixin waayo albaabka laga saaro lana eryo ilaa uu lacagta fiiga ah uu keenaayo. Waa halka ay qabyaaladu ina gaadhsiisay iyo meelo ka sii xunba way jiraan, Dadka soomaalida ah waxay u badan yihiin oo ay inta badan dhaqan u ahaa xoolo dhaqato iyo reer guuraa marka uu reerku guuraayo la iskama guuro ilaa uu qof sahamin tago soona helo meel dadka iyo xoolahaba u wanaagsan markaas kadib ayaa la raraa dadka iyo xoolaha, ujeedada hadalku wuxuu yahay qabyaalad aynu ka hadhnee maxaynu ku badalanaa illeen waa tii la yidhi dayaxa hadii la waayo waxaa lagu gudaa xidigaha waxayna ka dhigan tahay hadii dayaxu maqan yahay balse ay xidiguhu joogaan waa laga maarmi karaa dayaxa waayo wax u dhigma ayaa la helay.

Qabyaalad HaLa Daayee Maxaa lagaga Maarmi karaa???

Umadeenu qabyalaada maalinta ay ka maarmayaan ee ay ka baxayaan waa maalinta ay helaan Cadaalad iyo Sinaan,

Maalinta ay dadku arkaan in ay mideyso aqoon iyo fikir ee ayna midayn waxaynu nahay isku beel waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa maalinta la iskuugu faano waxaan ka soo baxay jaamacad hablaayo Maxamed wuxuu ku takhasuusay heerna uu ka gaadhay cilmiga noocaas ah hodan waxay abaal marin ku heshay shaqadii wanaagsaneyd ee ay bulshadeeda u qabatay. Maalintaas ayaynu ka baxaynaa kana maarmaynaa shayga qabyaalad, waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa maalinta aqoon iyo wax garad in la isku dhaafo loo tartamo ee aan loo tartamin reer habel ayaa naga yar iyo reer habal anaga ayaa ka badan. Waxaynu qabyaalad ka maarmi karnaa maalinta qofkii aamin sanaa in uu qabiil wax u qabanaayo laakiin waxba ku waayay ee hadana aaminey in uu qabiil diid wax ku heli karo waayo wuxuu helayaa cadaalad iyo sinaan.

Inaga iyo aabayaasheen haday ina fuuqsatay qabyaalad ka ilaali kana hor tag in aad ku anqariso kuwa kuu dhalan doona. Horaa loo yidhi. “ka hortaga ayaa ka wanaagsan daaweynta”

Halkan iyo qoraal toona laguma soo koobi karo waxyaabaha faraha badan ee aynu kaga bixi karno qabyalada ALLE ha ina garansiiyo jidka loo mari kari sidii looga bixi lahaa qabyaalad iyo sidii daawo loogu heli lahaa cudurkan inagu milmay.

Alle ha u naxariistee Abwaan Tima.Cade wuxuu qabyaalada ka yidhi sidan.

“Dugsi ma leh qabyaalad waxay dumiso mooyaane,

Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye.

Dugsi ma leh qabyalad waxay dumiso mooyaane.

Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka.

Dabaddaan ka joognaa sharciga daacada illaahe.

Danbarkeedu waa jahannaba iyo dogobkii naareede.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa bamqanayee dheguhu uma daloolaane.

Dadkaan la hadlayaa lahayn dux iyo iimaane.

Bal inay dalfoof tahay cagliga dooni laga saaray.

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye.

Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here