Qalab ciyaareedkii Xisbiga Waddani Awdal Soo gaadhsiiyay Oo xiisad iyo khilaaf Xoogan ka dhex dhaliyay Masuuliyiin Xisbiga Wadani Ka Tirsan

0
332

Qalab ciyaareedkii Xisbiga Waddani Awdal Soo gaadhsiiyay Oo xiisad iyo khilaaf Xoogan ka dhex dhaliyay Masuuliyiin Xisbiga Wadani Ka Tirsan.

“Agab Ciyaareedkan Yar Ee Dhalinyarada Reer Awdal La Soo Gaadhsiiyey Maaha Mid Ka Timid Xisbiga Wadani Balse Waa Mid Ku Kooban Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Wadani Axmed Muumin Seed”Gud.Wadani Ee Awdal Siyaasi Maal.

Borama(Warsugannews) Khilaafkan Ka Dhex Curtay Masuuliyiinta Ka Tirsan Xisbiga Waddani ayaa Ka Dhalatay Ka dib Markii aan Agab Ciyaareed aan Badnayn Uu Xisbigaasi Uu KU Wareejiyey Xubno Ka Dhalinyarada Ciyaartoyga G.Awdal.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G.Awdal A/kariim Muuse Maal Oo Khadka Telefoonka Shabakadu Kula Xidhiidhay ayaan Wax Ka Waydiinay Agab Ciyaareedkii aan Burnayn Ee La sheegay In Xisbiga Wadani Uu Soo Gaadhsiiyey Dhalinyarada Borama ayaa Gudoomiye Maal waxa Uu Noo Sheegay In ay Agabkaasi ahayn Mid ka Timid Xisbiga Wadani Balse ay Ku Kooban Tahay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed Isla Markaana aan Waxba Ka Ogayn Waxa ay Ka Kooban Tahay Deeqdaasi.

A/kariim Muuse Maal Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G.Awdal Waxa Uu sheegay In Xisbiga Wadani uu bixin agabkaasi Ciyaareedkaasi Ka Kooban Halka Koob Iyo Dirisyada aan Burnayn Oo Uu Tilmaamay In Xisbiga Wadani Uu Bixiyo Agab Tayo Leh Oo ay Si Weyn Ugu Diirsadaan Dhalinyaradu.

Gudoomiyaha Wadani Ee Awdal Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Agabkaasi Uu Shalay Bixinayey Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Wadani aan Lagala Tashan Isla Markaana aan Hawshaasi Waxba Kala Socon Iyada Oo Goobta Agabkaasi Lagu Bixinayey ay heegan Ku ahaayeen Xubno Ka Mida Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo ay Isku Hayib Yihiin Siyaasi Seed.

Siyaasi Maal Oo Ku Guda Jira Hadalkiisa ayaa Carafka Ku dhuftay In Xisbiga Wadani Ay Meel weyn Uu Kaga Yaalo Dhalinyarada Reer Awdal Isla Markaana aan Soo Gaadhsiinayn Agab Yar Oo aan Burnayn Balse ay Soo Wadaan Deeqo Kale Duwan oo ay Ugu Talo Galeen Dhalinyarada Oo Si weyn Uga farxin Doonta.

Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa Farogalin Xoogan Ku Haya Maamulka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Isaga oo Inta Badan Uu Ololeeya In

Masuuliyiinta Xisbiga ay Si Weyn Uga Dhex Muuqdaan Beesha Uu Ka Soo Jeedo Si Markaasi Beeshiisa Uu Tageero Badan Uga Helo Isaga Oo Siyaasi Seed Uu Hilmaansan Yahay Masuuliyadiisa Shaqo Oo Inta Badan Uu Uga Mashquulo Waxyaabo aan Khusayn Shaqadiisa.

Shacabka Gobolka Awdal ayaaa si weyn Isku Waydiiyey Agabka Yar Ee Uu Shalay Gudoomiye Seed Gaadhsiiyey Xubno Ka Mida Dhalinyarada Gobolka Oo ay Shacabku Saluug Weyn ay Ka Muujiyeen.

Siyaasi Axmed Muumin Seed Talaabooyinkan Uu Qaadayo ayaa ah Mid Uguba Oo aan Looga Baran Siyaasiinta Somaliland Taasi Oo Wiiqi Karta Siyaasada aan Sameynta Lahayn Ee Siyaasi Seed.

Si Kastaba ahaate Waxa Laga War Sugi Doona Halka ay Cago-dhigato Siyaasada Axmed Muumin oo Si weyn Uga Dayriyeen Shacabka Gobolada Galbeedka Somaliland.

By.Eng.Mahamed Hassan (Sharbi Yare)

Borama/Awdal.