Qaranimada waa loo wada jeelqaba hadana jidiinkeena ma marto,qabyaalada waa la wada necebyahay hadana way sii naaxaysa.maxa si ah ???

0
593

Qaranimada waa loo wada jeelqaba hadana jidiinkeena ma marto,qabyaalada waa la wada necebyahay hadana way sii naaxaysa.maxa si ah ???

Taag iyo tamar midna uma hayno ka sheekayn ama dhagaysi wax aynu nolosheena in badan soo maqlaynay misna waligeen aynan dheefsan midho ka soo baxay.fikirna kama haysano si loo dhisona ma naqaano diyaarna uma nihin inaynu maskax muruq iyo maal midna galino, hadana habeen iyo maalin carabkeenu kama qalalo hadal haynta QARANIMO QARANIMO. Biciidkii kama duwanin baadi goobay meel bur cawsa leh biyana u dhaw ee waayay,lama mid nihin biciidka ee waxaynu la midnahay oon waxba ina dheerayn kuwa aynu xagooda u tahriibno kuwa aynu afkooda ku hadaaqno aadkana u jecelahay. Lixdankii laga soo bilaabo qaranimo waynu soo dhisaynay wax guula kamaynu gaadhin aan jab iyo rafaad ahayn, waxba run ahaantii inaga maqan waxa inaga maqan wax yaabo lagamamaarmaan u ah helida waxaynu hawaysanayno.Waxaynu o soo noolayn dad u kala qaybsan qabiilooyin kala magac duwan deegaanada kala madaysta biyaha iyo baadkana isku dila dakanooyin isu qaba heshiis dhab ah oo walalnimo ku dhisani aanu dhexdooda oolin. Sidaynu xoolaheena u dhaqanaynay qabiilyinkana u kala fadhinay weerar iyo weerar celis xoolaha iyo faraha ama tirada isugu faana iskuna muquuniya ayay aduunyadi is badashay. Isbadalkaas aduunyada ku yimid iyo ilbaxnimadaas waxba kumaynaan lahayn waayo xoolehena ayaynu dhaqanaynay.Sida roobka ayuunbu mar kaliya inagu soo hooray inagoon wax aqoon ah u lahayn barasho xageed umaynaan baydhin ee gaadhi si loo wado iyo wado la mariyo shidaal lagu shubo midna aynaan aqoon ayaynu raacnay kadib waa inala gadoomay wax ku naafobay iyo wax ku nafwayay ayay noqotay.Magaalooyin aya dhulkii laga dhisay ganacsi aya bilbaabmay waxbarasho dhakhtaro dadkina si yar yar ayay miyigii uga soo hoydeen. Qabiilo waliba halkii ay daganayd ayay magaalo ka dhigatay ama xafad u gaar ah taaso ka dhigtay aqal somaligii oo daar loo badalay xoolihiina dukaamo iyo bakharo lagu doorsaday dhismaha gawaadhida lacagta lagu tartamo aya qabiil qabiil loogu tartamay. Wax wada lahaansho iskaashi is xaqdhawr iyo akhlaaqda dadka iyo garaadkooda oo la koriyo ayhogaan fiican oo bulshada toosiya oo ku tababara la qabsiga nolosha cusub ee waqtigu keenay aya lafdhabar u ah qaranimo la taaban karo.xaga qabyaalada aynu midiyaha u sidano sidaynu xakawda uga jari lahayn aya ah mid laftigeeda loo marayo wado guracan. Qabiilku waa xudunta qofka somaliga ah ama waa saldhiga noloshiisa qabyaaladuna halkaasay salka ku haysaa waxana sii kobciya baahida qofka bini aadamka u qabo cid uu ku tiirsado gargaar iyo gacan ka gaysata wixii dhib soo foodsaara. Qofna kaligii ma noolaan karo hadii aanu cid ku tiirsan waa sunaha nolosha suurtagalna maaha inuu qofku qabiilkiisa ka baxo ilaa uu helo wax uga wanaagsan uu kaga maarmo sidaasi darteed waxa waa jib ah inaynu garowsano baahida dabiiciga ah ee qofka ku qasbaysa ku dhaganaanta qabiilka. Isbadalku wuxu ka dhalan karaa qabiilka iyo qabyaaladana lagaga guuri karaa iyadoo la dhiso hab nidamsan oo qorshe laga baarandagay xaqqidana salka ku haya dad waynahana la tuso wax dhab ah oo la aamini karo waa in uu qaranku noqdaa mid qofka damiin uga ah wixii gargaar ah naf iyo maal.Qabiil inuu loo nooladaa xiligan maanta lagu jiraa waa mid adag, qaranimo lagu yididiisho bulshada uga miciinta qabiilkana ma hayno mana jirto. Gunaanadku waa qabiilka ayaynu hada ku noolahay bulshadeenuna ku kala socotaa qabyaladina heer xun ayay maraysa qabiilka laftigiisa ayay duminaysa qabyaaladu, hadaan dhaqso looga fikirin lagana hortagin waxa dhici karta in qabiilkiina burburo qaranimona aynu gaadhi wayno aynu noqono dad is adoonsada ninkii lacag iyo aduunyo haysta dadka lahaado sida hadaba sansaankedu muuqdo dadkuna ay ka qaxaan sida imakaba ay u qaxayan dad kalena soo buuxiyaan siday imakaba u suu qulqulayaan .. xuseen waraabe

afhayeen.warabe20@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here