Tallaaka Xoolaha Ee Wasaarada Xanaanada Xooluhu Ka Hirgalisay Deegaanka Buuhoodle Hambalyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Wasiiir Cumar Maxamuud

0
389

Tallaaka Xoolaha Ee Wasaarada Xanaanada Xooluhu Ka Hirgalisay Deegaanka Buuhoodle Hambalyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Wasiiir Cumar Maxamuud

Hadaanu nahay aqoon yahanka, waxgaradka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle wxaanu mahadnaqaynaa sida qiimaha iyo muga leh ee Wasiirka Xanaanada Xooluhu uga hirgaliyay talaaka xanaanada xoolaha deegaanka Buuhoodle, waana markii ugu horaysay ee talaalka xooluhu soo gaadho deeganka Buuhoodle.

Sidaas darteed maadama uu deegaan kani yahay deegaan ballaadhan boqolkiibana sagaashan ay ku nool yihiin xooluhu wuxuu aad iyo aad ugu baahnaa tallaalkaas xoolaha ee ay wasaarada Xanaanada Xooluhu ka fulisay deegaankas, yadoo uu mahadeeda koobaad leeyaya Wasiirka xanaanada Xoolaha Mudane Cumar Maxamuud.

Gobolka Buuhoodle wuxuu xukumaa 48 Magaalo, 48-kaas magaalo dhamaantood waa xoolo dhaqato, wax xarumo caafimaad oo xoolaha ahina kama dhisna iyo wax ka hawl gala toona. Maadaama Wasiirka Xanaanada Xooluhu Mudane Cumar Maxamuud go’aan saday inuu caafimaadinta xoolaha ka hirgaliyo deeganka Buuhoodle aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Mudane Cumar Maxamuud hadaanu nahay Aqon yahanka, waxgaradka, culimo aw diinka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Buuhooodle.

Waxaan ugu baaqaynaa wasaaradaha kale dhamaan inay ku daydaan Wasaaradaas Xaanaadana Xolaha oo ay ka gutaan waajibkooda Gobolku ka mudan yahay.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Mudane Cumar Maxamuud waxaad ka codsanaynaa inuu goobo caafimaad oo deg dega ka fuliyo Gobolka Buuhoodle, shaqaale waynaha reer Buuhoodle ee xirfada u leh xoolaha in uu shaqaalaysiiyo si loo helo xoolo caafimaad qaba, maadaama dhaqaalaha wadanku ku tiirsan yahay Xoolaha Nool. Anagoo wasiirka ka codsanayna inuu noo kordhiyo Tiimamka ka shaqaynaya Tallaalka Xoolaha intii suura gal ahba madaama deeganku ballaadhan yahay xoolo badanina joogaan, yadoo aanaan ku xad gudbayn qaynaha kale ama tiimamka kale ee dalku u baahan yahay.

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Ee Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle

Mr. Cismaan Faarax Warsame “ Jiciir”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here