Waa maxey maamul wanaagu ama good governance;by.fuaad qawdhan

0
809

Waa maxey maamul wanaagu ama good governance;by.fuaad qawdhan

Maamul wanaagu ama ( good governance) waa wax qudha ee dad wax maamula aay ku hagaan bulsho meel daga ama dall lah jira.
Hadaba maamul wanaagu wuxuu yeelan karaa qeybo badan, sida mid shaqsiyadeed iyo wadajir ama isku duubni mug weyn leh oo baahsan, islamarkaasna aay dad meel daga ku midoobeen, sidii aay u hali lahaayeen maamuul sax ah oo ku shaqeey, iyagoo isku raacaya xaga, wanaaga, sida wanaaga , horumarka,cadaalada, ixtraam iyo kala dambeen, ku dheehan mid madaxdaa iyo mid bulshadaaa.
Hadaba qaf kasta oo doonayaa inuu wax maamulo ama masuul noqdo, waa inuu yahey mid lah tayo masuulnimo iyo ala kacabsi iyo khimrad diineed iyo mid maadi ah oo tayo sare lah, iyo mid dheeraada oo ah garsho iyo wadanimo, ay ku jirto naxriis uu u hayo dadkooga jilicsan,MASAAKINTA, HAWEENKA, DHALINYARADA, CARUURTA, IYODADKA WAAWEYN.
Xadiis buu ku yidhi nabeegna suuban maxamed NNKH ( csw).
Qafkastaa waa raaci waxaa ILAAHEY kala xisaabtami doonaa waxii la raaciyey,ama masuul looga dhigey.
Markaa waxey tahey, in qafwaloo masuul ahi, ama xil hayaa , uu xilkaa uu hayo si CADAALADA u wado isagoo ilahey dardaarnkiisaa ku dhaqmaya.
Hadaba waxaa haboon qafkaa masuulkii inuu ku dhaqmo waxyaabahan aan soo wado iyo wixii wacanba.
1/ ALAH KA CABSI BADAN
2/ AKHLAAAQ WANAAGSAN IYO DAMIIR FAYOOW
3/ CADALAD IYO SINAAN LAGU DHAQMO
4/ SHARCIGA OO LA ADEEGSADO OO LA RAACO.QAFWALNA SHARCIGU KA WEYNAADO.
5/MUSUQ MAASAQA IYO KHIYAAMADA LOOGA DHEERAADO
6/QABYAALADA IYO QAF JACLEYSIGA OO LA ISKA ILAALIYO
7/ ILAALINTA HANTIDA QARANKA IYO DHULKA OO LA ILAALIYO .SIDEY TAHANA LOO MARIYO CADALAD.
8/ IYO TIXGALIN LA SIIYO DADKA JILICSAN IYO MASAAKINTA IYO QAF WALOO DULMAN.
9/IYO MAAMUL XUMO BAXSAN LA ISKA ILAALIYO.
Walaalayaal sidaa hadii aaynu yeelno waxaa hubaala, in qafwaloo somaliland ahi u ku noolaanayo nolol tayo lah oo calamka la jaan qaada.
Dhanka kale masuuliyiinta aan la hadlayoo dhan waxey ajer weyn ka hali doonaan ilahey.
Waxaan la hadlayaa dadka ah.
1 madaxweynaha
2 wasiirada
3 xilibaanada
4 guurtida
5 badhasabada
6maayariinta.
Iyo qafwaloo haya shaqo dawladed.
Waxaa qarey: fuaad maxamed qawdhan. Gudoomiyaha dhalinyarada ariamaha bulshada somaliland ee uk
mr_fuaad qawdhan@hotmail.co.uk
woolwich london

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here