Qorshaha Kuma Jirto In Wakaaladda Biyaha Berbera Cid Gaar Ah Lagu Wareejiyo” Wasiirka Biyaha

0
394

Qorshaha Kuma Jirto In Wakaaladda Biyaha Berbera Cid Gaar Ah Lagu Wareejiyo” Wasiirka Biyaha

Hargaysa (warsugannes):- Wasiirka wasaaradda biyaha ee Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa beeniyay in dad gaar ah lagu wareejinayo Wakaaladda biyaha magaaladda Berbera.

Waxaanu timaamay in qorshaha wasaaradda biyaha aanu ku jirin in Wakaaladda biyaha Berbera ganacsato loo gacan galiyo, isagoo u soo jeediyay dadweynaha reer Berbera in aanay dhag u dhigin wararkaa been abuurka ah ee lagu kicinayo bulshadda.

Wasiir Baashe, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiska ayaa ku tilmaamay wararkaasi kuwo siyaasadaysan, isla markaana la doonayo in lagu khal-khal geliyo bulshadda.

isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa ayaamahan maqlay warar ku tiri-ku-teen ah, oo sheegayay in wakaaladda biyaha ee Berbera ganacsato lagu wareejinayo. Arrintaasi waa war aan wax ba ka jirin, in sidaa loo ogaado weeyi. private lagama dhigayo qorshaha wasaarada biyahana kuma jirto. Markaa in waxaan dadka u sheegayaa inay sidaa u ogaadaan dadka reer Berbera. waa dacaayaddo looga jeedo siyaasad iyo khal-khalgalin ah. Markaa halaga foojignaado waxba kama jiraan”.

Waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicda dhinaca horumarka ee la doonayo in laga hiregliyo magaaladda Berbera, waxaanu sheegay wasiirku in mashaariicda biyaha ee magaaladda Berbera ay ku baxayso lacag dhan 7-milyan oo doolar. “Mashaariicda biyaha ee ka socda dalka ee uu maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, mashaariicdaa biyaha lacagta ku baxaysaa 7 bilyan oo dolar. Berbera, waxaa laga samaynayaa qorshihii mustaqbalka biyo ku heli lahayd, bishan gudaheeda ayaa hawsheedii la bilaabay waxa la baaldhinayaa biyuhu Dubaar, oo waxaa la samaynayaa ceelasha biyuhu ka soo baxaan, hawshaasuna way socotaa”ayuu yidhi wasiirka biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here