Waxa Jiray Sinbiririxasho Hore Oo Iga Soo Baxday Oo Aan Maanta Saxay” Suldaan Xasan

0
706

Waxa Jiray Sinbiririxasho Hore Oo Iga Soo Baxday Oo Aan Maanta Saxay” Suldaan Xasan

Hargeysa (Warsugannews)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha guud, Boosaha, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee KULMIYE, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin kala duwan, ayaa taageero xooggan u muujiyey Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo u sharraxan Jagada Madaxweynaha KULMIYE.

Munaasibad Qado-sharaf ah oo lagu maamuusay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Musharrax Maxamed Biixi Yoonis oo shalau loogu sameeyey Huteel Crown ee magaalada Hargeysa, ka dib markii si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Caasimadda ee Cigaal oo uu ka soo degay gelinkii hore ee maanta, ayaa dadkii halkaas isugu tegay waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin Musharraxnimada jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE ee Maxamed Biixi.

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inaan loo baahnayn Madaxweyne Askari ah Maxamed Siyaad Barre ka dib. “Dhammaan dadweynaha halkan iskugu yimid waxay soo dhaweynayaan Wasiirka arrimaha dibedda ahna Musharraxa Madaxweynaha mustaqbalka. Illaahay waxaan uga baryayaa inuu ku guulaysto. Midna waan idiin sheegayaa, Xukun Askari Siyaad Barre ayaa innoogu dambeeyey, dooni mayno Askari dambe. Askari khayr innooma leh. Ninku hadduu Askari soo maro wuxuun buu moodayaa inuu Ciidankii hor-joogo oo digtoonoow uun buu nafta kaaga saarayaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SOMALILAND SULDAAN MAXAMED SULDAAN CABDIQADIR (2)
Waxaanu Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Laakiin-se, waxaan leeyahay Maxamed Biixi Yoonis waa nin Aqoon-yahan ah. Waa nin hawl-kar ah, wax badanna soo qabtay, oo Diblamaasiyaddii Soomaaliya iyo tan Somaliland intaba wax ka soo qabtay, waana nin reer Awaare ah oo isku deegaan baannu nahay. Waa nin Arday sida wax loo baro iyo Macallin-nimana soo maray. Illaahay baa og cid guulaysanaysa, laakiin-se annagu dhex baannu nahay si aan nalooga caban oo loo odhan Suldaanku kanna wuu taageerayey kanna wuu ridayey.”
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu Farriin u diray Musharrixiinta kala duwan, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay dad-yahow indhaad leedihiin, dhegaad leedihiin, Aqoon baad leedihiin ee ciddii dalka wadi karaysa ha loo codeeyo sida Maxamed Biixi Yoonis oo kale. Waa nin Aqoonyahan ah, Taariikhda ummaddana aad looga yaqaan. Qoladiinna Golaha dhexe ee KULMIYE dedaal badan sameeya si aad Xisbiga dhidibbadiisa u adkaysaan.”

Sidoo kale, Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa isagunaa ka hadlay Munaasibaddaas lagu taageeray Musharraxnimada Maxamed Biixi, waxaanu yidhi; “Maanta waxaad halkan ku arkaysaan labadayadii Suldaan ee ugu waa weynaa dalka Somaliland ayaa ilaa saaka gacmaha haynay Maxamed Biixi Yoonis, waxaan leeyahay waar yaadhaheen dee Sawirkaas ayaa wax inoogu filan, Maxamed Biixi Yoonis waa nin daacad ah oo dalka daacad u ah oo qalbi wanaagsan alle haku guuleeyo.”

Suldaan Xasan waxa uu sheegay inuu jiray go’aan hore oo uu ku simbiririxooday markii uu taageeray Muuse Biixi, waxaanu yidhi; “Waxa jiray go’aan hore oo sinbiririxasho ahaa ayaa iga soo baxay, waxaad ogtihiin in marka wax sharciga ka khaldamaan uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sixitaan sameeyo, anna maanta sixitaankii ayaan sameeyay. Haddaannu Madax-dhaqameed, xog ayaannu ku shaqaynaa, markaannu xogtii dadkayaga helnay go’aankaas halkaas ayaan ku laalay, Xog la helyaaba talo la hel ayey Soomaalidu ku maah maahdaa. ”
“Golaha dhexe ayey ku tartamayaan nimankii Musharraxiinta ahaa, Maxamed Biixi Yoonis waa nin Aqoonyahan ah oo aynu ognahay halkuu Caalamka ka gaadhay, habeen ilqalloocan igumuu soo eegin markii xitaa xagtintaa yari ku dhacday ee gar-darrada ahi, nabarkaa gardarro, habeen walba qalbi furnaan ayuu ii muujinaayey illaa intii go’aankan danbe ee dib-u-eegista ah laga samaynaayey. Waxaan ku talinayaa in Golahaas dhexe ee Xisbiga si caddaalad ah loogu tartamo, oo aan Beelahayaga lagu soo celin oo aqoon lagu doorto dadka, caddaaladdana la sugo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guur, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii Qado-sharaftaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Sharaf bay ii tahay iyo farxad inaan maanta halkan kaga qayb-qaato soodhawaynta Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda ahna Musharrax oo maanta aan ku dhiirran karo inaan dadka u sheego inuu yahay nin aan ku aammni karo hoggaanka Xisbiga, Xisbiga, Xisbiga KULMIYE-na ka saari kara tartanka adag ee ku soo wajahan.”

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ahna Xildhibaan KULMIYE ka soo baxay oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Galbeedka gobolka Togdheer laga soo doortay, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, sheegayna in intii badnayd ee Xisbiga KULMIYE fadhiday Qado-sharafta Maxamed Biixi loo sameeyey ee Musharraxnimadiisa lagu taageeray.

“Waxa maanta halkan fadhiya oo aan idiin caddaynayaa dadkiinna reer Somaliland Golihii dhexe ee Xisbiga KULMIYE intiisii badnayd baa halkan fadhida, waxaad in dhawaydba Warbaahinta ka maqlayseen tiro yar oo siddeed iyo sagaal ah oo meelaha qaar isku urursata, laakiin waxaad maanta aragtaan in intii badnayd ee Xisbiga KULMIYE halkan fadhido.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye.

Masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxmaed Jaamac Abgaal, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo Rag iyo Haween-ba isugu jiray, ayaa iyaguna Munaasibaddaas Qado-sharafta ahayd ka hadlay, waxaanay dhammaantood sheegeen inay taageersan yihiin oo ay soo dhawaynayaan Musharraxnimada Jagada Madaxweynaha KULMIYE ee Maxamed Biixi Yoonis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here