JSL Bulshada 2 Aafo ayaa ku habsay !,Dad la’aani Wax kuma yeesho e Dad xumo ayaa Waxku yeesha ,by Mr. Belel

0
637

JSL Bulshada 2 Aafo ayaa ku habsay !,Dad la’aani Wax kuma yeesho e Dad xumo ayaa Waxku yeesha ,by Mr. Belel .

Waxaan salaamayaa Bulshada qaybaheeda kala duwan ee JSL iyo Saxaadda xorta ah e Hadhwanaagnews ugu mudan tahay .
Bulshada ama Shacabka JSL waxaa caddaatay inaanay Caqligii 1960 kii ay aad uga sii liitaan oo Berigaa Aafada Qabyaaladda uun ba jirtay !,hadda waxa ugu Darsamay Aafo Daroogo iyo Baahi uu Jaadku abuuray oo Guri walba Miyi iyo Magaalo la sinmay !, Bulshada ayaa Hantifa ugu qaalisan ah ee Qarranku ku faani karo ee Qarran Caafimaad qaba oo

Horuumar higsada , haddii Dhaliyaradii iyo Shaqaalihii Laamaha kala duwan ee Fowladda illaa Ciidamadii Amniga iyo Kuwii Qarrankuba ay ka simanyihiin Aafooyinkaa oo Dhaqan xumo iyo Baahi laga simanyahay oo Anshaxii ,Caddaaladdii , Maamul annaagii ,Kala dambaytii oo aad aragtaan inay wada curyaansanyihiin oo Dhaawaca Baahida iyo Caafimaad darrada Guri walba tyaala aya u sabab ah in in Immadda Daroogadu caydhaysay ee Maskaxda ka jirran !,Wax walba Dowladda ayaa lagu Dhaliilayaa oo qabyaalad Baahidaasi korisay ayaa la adeegsanayaa illayn Jidhka caafimaadka qaba ayaa Maskaxda caafimaadka qabtaa ku jirtaa ee !, Bulshadu waa bukaan socod Dowladdu Wax ban bay qabatay oo Qarran buixa ayay dhistay Debedda iyo Gudahaba ,Dowlad tan Kulmiye uun baa ugu Waxqabad badan oo Dowlasihii hore oo dhan tan Kulmiye aya kuligood isku fuuqsatay !,Bulshadeenu inay Dowladda wanaagsan la shaqeeyaan oo u Mahadnaqaan Illaahay iyo Dowladdooda ba ayaa la garan waayay oo Dowlad Dulqaadkeedu badanyahay iyo Bulshadii oo Dhaqanguur ku dhacay !,Dilaaliinta Siyaasiyiinta oo Afmiinshaar la odhan jiray ayaa Qarrannimada khatar ku ah !.
Nabadgelyo badani wey ku hoddaa ayaa lagu Maahmaahi jiray !,Qarran dumis ayaan u aqaan Bulshada qaarkood oo Amniga iyo Midnimada ba Khatar ku ah !, Bulshada waxay u sheegaan aya ah ah Wax Qarrannimada , amniga iyo Midnimada Bulshada JSL ba Khatar ku ah iyo iska horkeen ama kala qaybin Bullshada inteeda aan Cillmiga lahayn ee la qaldi karo !,. xataa Waxqabadkii iyo Horuumarkii ayaa Waxyeelo iyo Hanti boob loogu sheegaa !,Madaxa Rag iyo Dummar wa la wada ceebaynayaa Sabab la’aan oo War baahiyaha loo adeegsadaa iyo Saxafiyiin Hunguri iyo Qabiil lagu duufsado !,Dadkaasi Siyaasiyiin iyo Oqoonyahan JSL Hanka ugu weyn oo ah Hogaanka Dalka JSL ugu sareeya ayay Qaarkood ku suntayihiinoo ama Axsaabta Mucaaradka iyo Qabaa’ilka Sharafta mudan ayay adeegsadaan oo sidaasay inay ugu dhasho ama ay Taageero ku doonaya !,ama waa ka bes ama Mashruuc Qarrankan JSL laguduminayo ayaa loo ololaynayaa !!,Illaahayow Khatar nooga dig, aamiin .

Gobolada JSL Kuwa Xilalka Dowladdu u dhiibtay Qaarkood wey ka shaqeystaan o Qarranka iyo Dowladda ayay is nacsiiyaan !!!,Qaar badani Qarran ay si daacad ah ugu adeegaan !,Burco ayaa Biyo laga waayay ma rumaysan karnaa oo Guryihii Mudoda badan dhisnaa ee Biyuhu 24 Saacadood socon jireen baa laga xidhaay !,Bariga Burco Anigu oo 27 Sanadood oo Khibrad ah u leh Biyaha uu Desalination Plants waweye oo Emaaraadka ah ka shjaqayn jiray aya Dhaqan xumo kala kulmay oo Biyihii waayay ,marka Wakaaaladda u qayla dhaamiyay Biyo Habenkii oo Saacadaha dambe aya tininig !,Biyo laykii laga goostay la duway !, ka daranta Farsama yaqaanku Guryaha Qasabadda Debedda ayay ka jebiyaan si loogo ueedho ooay Jaad u helaan !, Sacad Cusb oo Gurigayga ku xidhnay oon ceeba lahayn ba Xaaska lagu waanu ku sfaynaynaa !, wa la furfuray oo Niyihii aya gudaha laga geliyay !xataa Xagga hore iyo Xagga dambe na wa laga debciyay { Suctoin & Dischaarge } aya la yidhaahdaa !,Cid u dirtay ma jirto !,Markaan ku dawakhay ee aan Madaxdoodii afgaran waayay waxaan helay Dad xogagaal ah o Rer Burco ah waxay ii sheegeen in Wakaaladdi Biyaha Ninka Maareeyaha ka ah uu Shaqaalihii hore uu shaqada ka eryay oo uu keensaday Shaaqaale Rer Hebel la qoray !,oo isaga u adeega Dadweunaha iyo Dowladda na is nacsiiya !,markaa Inaan ka aamuso Ceebay igu tahay !,Dowladda iyo Wasaaradda Biyuhu khjuseeyaan ba in si deg deg ah loo fara geliyo oo loo xaqiijiyo Dhibta Bulshada lagu hayo ayaan ku baaqayaa oo Aniga oo Mr . Belel aya Dhibanyaasha ka Mid ah !,Waxa badan Laamaha Dowladda ee Goboladda ku badan aya ka shaqaysta halkii ay Bulshada uadeegi lahaayeen !,Kuwo aanhore ugu xusay Qoraalkn ee Aafadda qaadku saamaysay iyada oo Jaadka oo aad bixixo iyo Shidaalka mooyaane xataa aan Laamaha Amniga kuwa ugu muhiimsan qaarkood aanay gurmanayn !.

Kuwaa Wasiirro iyo Agaasime Guud ayaa xukuma oo aanay Waxba iskaga tirinayn !, oo Xilka iyagaa ku shaqaysta halka Madax kale badani Shacabkooda ay u adeegaan ,,Waxaa laga garan karaa oo u markhaati ah Wasaarad waliba wa la arkaa sida ay u shaqaysay oo in la qiimeeyo Wasaaradaha Horuumarka sameeyay iyo kuwa ka sii daray !,Dowladda dhexe waxa Ceebeeyay Shaqaalaha Hoose qaarkood oo Madaxddii ka xuntahay iyo Maamulkii Laan walba Madaxa ayaa shaqaluhu ku dayanayaa !,
Waxaa loo baahanyahay Madax qayla dhaamisa marka ay arkaan Baahi Bulshadu qabto Meesha Waxqabadka u baahan ee Kuwan sii curyaaminaaya ee Ka shaqaysanaya wa Khatar Dowladda na wey ridayaan !.

Dhaqan Xummada Rer Awdal iyo Rer Saaxil opo labaduba JSL Hoggaanka ugu sareeya soo qabtay ayaad mooddaa inay aaminsanayn in aynu u gudubnay Qarran oo weli Qabiil bay ku hanjabayaan Marka Dad Dembi galay la qabqabto oo in Amnigu shaqadiisa qabsado iyo Garsoorka looma ogola Madaxweynaha Beeshiisa ayaa loo hanjabayaa oo Saxaadda aya la duusanayaa oo si qaldan loo adeegsanayaa ama Axsaabta Qarranka qaarkood aya siyaasadaynaya Indha la’aan ku cambaaraynay Amniga iyo Madaxweyna iyo Madaxda kalae ka agdhow !,Bulshada aya Jaahwareer lagu riday JSL nma Dhjaawac nuqsaan ayaa Xataa UN ta iyo Debedaha lagu faafiyaa oo waxaad moodaa inm Siyaasiyiinta qaatkood u adeegayaan Caddowga JSL./

Wa Billaahi Towfiiq ,
Mr. Belel..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here