Wasiirka Arimaha Debaddu Waa inuu Ka Baxaa Xayndaabka G/Wasiiradda . Sida Xeerka lagu caddeeyey !!!

0
403

Wasiirka Arimaha Debaddu Waa inuu Ka Baxaa Xayndaabka G/Wasiiradda . Sida Xeerka lagu caddeeyey !!!

Hayskana iska daayo laba canlaynta iyo inuu laba shinbirood hal dhagax ku wada dilo………………

Waxaa maanta ka soo degay , Gegidda Diyaaraha Caaalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa, Wasiirka arrimaha dibadda JSL ,Md.Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka ayaa qeybaha Warbaahinta kula hadlay Qolka VIP-ga ee Madaarka Magaaladda Hargaysa, waxa uu sheegay inuu Musharax Madaxweyne u taagan yahay, siiba Xisbiga Kulmiye ,isla-markaana uu tartanka la galayo musharaxyada kale ee Xisbiga.

Hadaba Wasiirka oo la weydiiyay su,aasha ugu muhiimsan dhinaca sharciyada dalka :- bal inuu Xilka Wasiir-nimo iska casilayo ,mar haddii uu tartan gelayo, sida ay shuruudaha musharaxnimada ee xeerarka waddanku dhigayaan, (In Qofka Hanka Madaxnimo , lihi iska casilo Xilka Qaranka), ayaa wareysigiisii maanta ama soo noqoshadisii carrabka ku adkeeyey, isla-markaana si cad u sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu Xilka Wasiir-nimo ka tago.

Masuuliyiinta u sharaxan Xilalka madaxtinimada dalka , ayaa dhowr jeer loogu baaqay inay iska casilaan xilalka ay Qaranka u hayaan.,

Shaqsiga iminka leh :- Waan sharaxannahay , isla-markaana aan is casileyn, (Siduu ku doonayaa Madaxweyne , hadduu iminka sida sharciga dhigaayo ku dhaqmi-waayey) , waxaana loo baahanyahay cidda xilalka qaranka ku jirta ee u tartamaysa sida musharaxa Kulmiye iyo kuwa kale , sharciyaddu ay tahay inay bannayso xilka ay hayaan.

Waa xaqiiqa in aanu sharcigu diidan musharaxiinta jirta,isla-markaana Xisbiga Kulmiye yahay xisbi dimuqraadiya, oo laga dhex tartami karo, cid kastaana way iska soo sharixi karto, laakiin cidii xil haysa ee doonaysa inay Musharax noqoto, sida ku jirta xeerarka doorashadu waa in qofku iska casilo xilka uu hayo, haddii uu doonayo siiba musharaxa madaxweyne Xisbi.

Doodda Sharci Ee Murashaxnimada Madaxweyne Ee Wasiir Biixi ee Kursiga Wasiirnimadda uu Ku Fadhiyo:-

“In qof laba xil wada qabto mar walba waa Xaaraan oo Dastuurkaa caddeeyey;-

Md Maxmed Biixi waxaa uu yahay Wasiir ka tirsan Xukuumadda , haddii aanu xil kale doonayn dee wuu iska fadhiyayaa. Laakiin,wasiirnimada waa inuu banneeyo Kursigeeda oo markaa uu xaq u leeyahay inuu xilka kale u ordo.

Waxaa looga baahan yahay (Wasiirka Arimaha debaddu inuu ka baxo, xayndaabka wasiiradda, si uu ula mid noqdo qofka Muwaaddinka ah ee Madaxweynaha u tartamayaa) sida uu qof kale ee Muwaaddinka ahi uga fadhiisanayo xilka kale ayuu isaguna uga fadhiisanayaa(Sida Dadkii isu-sharaxay golaha Barlamaanka (2005Kii) iyo Golaha Degaanadda (2012Kii).

Waxaa jirta in distoorka Qaranka JSL aanu oggolayn, in marka hore-ba uu qofku laba Xil, ku wada fadhiisto, sida Masuul Qaran laba Xil midna qabto , ka kalena u ordaa Sharci maaha. Kol haddii aanu laba xilba oggolayn inuu qabanayo Xeerka laguma qorin, waxa Xeerka lagu caddeeyey qofka Shaqaale dawladeed ah ama Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda iyo Ciidammada derjada ay doonaan ha lahaadeene, in uu iska casilayo oo weliba laga aqbalayo xilka uu Qaranka u hayo, iyo wakhtiga doorashadaasu dhacayso 90 maalmood ka hor, inkasta oo uu markii hore ka badnaa , haddana wax ka-beddelkii iyo kaabistii u dambaysay, ayaa 2012-kii lagu sameeyey mudadaasi Xeerka doorashooyinka.

Wasiirka Arimaha Debadda Md Maxamed Biixi Yoonis , (Waxaa la gudboon inuu iska daayo laba canlaynta iyo inuu laba shinbirood hal dhagax ku wada dilo) , waa inuu u ban-baxaa musharaxnimada hanka madaxweyne ee Kulmiye, isla-markaana si dhab ah uu xukunka iyo kursiga dalka ugu sareeya raadsada oo uu baneeyaa xilka Wasiirka.

By, Adan Yusuf Elmi/UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here