Qunsuliyadda Turkiga Oo Hagar-daamo Ku Haysa Shacabka Somaliland Iyo Wax Is-daba-marinta Fiisaha
“Cabashadaasi Way Jirtaa Oo Waa Laga Wadda Cabanayaa Qunsuliyadda. Goluhunna Xidhiidh Toos Ah Lama Leh Safaaradaha Dalka….”Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa, 16 October 2019 (Warsugan)-Muddooyinkii u danbeeyey waxa soo baxayay cabashooyin is-dabayaal, oo ka soo yeedhay shacabka reer Somaliland ee dalku galka uga baahda qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay gudaha Somaliland, gaar ahaan Caasimada Hargeysa, balse maalinnimadii Axadii ayey wax-walba soo baxeen, ka dib markii Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Somaliland loo diiday dalku galka Turkiga oo uu baahday inuu xaalad caafimaad ugu baxo, taa bedelkeedanna waxa uu kala kulmay in askar loo dhiibo oo la yidhaa dibadda dhiga.
Wargeyska Warsugan Media Group oo muddo ku daba-jiray xaq-jiinta warkan ayaa soo taabtay gunta iyo halka sartu ka qudhuntay iyo sida xaal yahay, waxaanu wargeysku diirada saaray siddii uu wax uga ogaan lahaa dhibaatadda dadka ka haysata dalku galka Turkiga.
Marka hore bal aynnu is-barbar dhigno Safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland iyo tan ay Turkigu siday u shaqeeyeen:- Safaaradda Ethiopia waa safaaradda ugu faca-weyn safaaradaha dalka ka hawlgala waana ta ugu nidaamka wacan marka loo eego kuwa kale, waxaanay ku shaqaysaa nidaam ah aan arko qofka oon qiimeeyo xaaladiisa ka dibna aan u diro wixii shuruud ah ee looga baahan yahay iyadoo marka horeba dadku barteen waxa laga doonayo oo ay hore ka soo qaataan, sidaasina lagu siiyo ama loo qabto muddo kooban oo aan muran ku jirin maalintay u gaadhana uu qofku ka qaato Fisaha dalku galka.
Su’aasha aynnu u soconaa ayaa ah sidee ayey u shaqaysaa safaaradda qunsulka Turkigu? Kow waxa ay safaaraddu qofka ku xidhaa in uu haysto warqad caafimaad oo ka soo baxday dalka Turkiga ama warqad degenaansho ama lahaansho guri oo lagu cadeeyey nootaayo, marka labaad waxa loo diraa warqada caafimaadka ee Somaliland, marka saddexaad waxa loo diraa warqada denbi la’aanta (CID), marka afraad waxa loo dirayaa inuu xisaab lacageed oo tiro badan ku shubo account uu isagu ku qoran yahay, marka shanaad waxa loo dirayaa inuu keeno qof damiin ah, marka lixaad waxa lagu xidhaa inuu keeno qof dawladda xilka haya, marka todobaad waxa lagu xidhaa warqad ka socota arrimaha dibeda Somaliland iyo dhawr waraaqood oo aan munaasib ahayn, balse ay xujo kaga dhigayaan dadka.
Haddiiba qofku intaaba soo buuxiyo haddana ma sahlana in uu si fudud ku qaato fisaha dalku galka ee waxa uu la kulmaa diidmo iyo wakhti lumis iyadoo aad ku arkayso safaaradda horteeda dad xanuusanaya oo lagu sido baabuurta gargaarka degdega ah ama sariiraha la riixo oo haddanna ku odhanaya muddo ayaan halkan imanayey wax ka soo socdaana ma jiraan.
Waxa hadaba intaaba ka sii daran oo jirta isku xidhnaan la’aan ka jirta shaqaalaha Soomaalida ah iyo masuuliyiinta safaaradda, taas oo ah in qunsulku soo bixiyo Fisaha dal ku galka balse gacmo hoose ay marto oo suuqa lagu iibiyo qofkii lahaanna dibeda uun subax-walba soo fadhiisto oo marka uu ku caajiso labada lagu yidhaa iska tag maanta oo soo noqo, taasoo dad ka mid ahi soo tabteen sida aannu xogta ku helnay ama ay nooga warameenba dadkii ay ku dhacday ee markii ay wado kale u mareen qunsulka uu ugu jawaabay sowtaan bil ka hor ku siiyey miyaa soo noqotay.
Waxa layaab ah in dadkan sugaya visa ee dibeda fadhiya ay ku dhex jiraan dad dilaaliin ah oo numberada ka qora dadkan dibeda fadhiya lana balama una sheega inay wado kale oo ka fudud u soo marin doonaan kana baxaan kiyuugan dheer, gurigana ay ugu keeni doonaan hadii ay bixiyaan lacag cadadkeedu ka bilaamo 2,000 oo doolar ilaa 6,000 oo doolar oo qofba halkii laga helo ah, dadkaasina waxa damiin u noqda dad ganacsato ah oo suuqa fadhiya ama meherado leh oo caan ah, si loo aamino inta ay ku keenayaan visa dalku galka ee laga waayey safaaradda kuwaas oo marka lacagta loo horumariyo qaybo ka mida deg-deg ku keena isla safaaraddii u diidayna uga soo qaada. Taas oo cadayn u ah musuqa iyo wax isdaba marinta ka jirta visa dalku galka ee ay bixiso qunsuliyadu.
Waxa kale oo Meesha ka baxay doorkii wasaaradda arrimaha dibeda oo ay ahayd inay sharci u kala samayso muwaadiniinta iyo safaaraddaha, iyadoo aad moodo in safaaradduhu kaba awood badan yihiin sharciga dalka oo ay siday doonaan ka yeelayaan muwaadiniinta u dhalatay dalka.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, wuxuu sheegay inay soo gaadhay cabashadda shacabka reer Somaliland ee qunsuliyadda Turkigu ku hayso
“Cabashadaasi way timi oo horrenna way u jirtay oo waa laga wadda cabanayay qunsuliyadda. Goluhunna xidhiidh toos ah lamma leh safaaradaha dalka. Cabashadda waxaannu u gudbinaynaa wasiirka arrimaha dibadda oo wasiirka arrimaha dibadda ayaa u dhaxeeya dublomaasiyiinta. Marka cabashada waxaynnu u gudbinaynaa wasaaradda arrimaha dibadda.”Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax
Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland