Taliyihii Horre Ee Nabad Suggidda Soomaaliya Oo Taxay Dhibaatooyinkii Loo Geystay Somaliland

0
385

Taliyihii Horre Ee Nabad Suggidda Soomaaliya Oo Taxay Dhibaatooyinkii Loo Geystay Somaliland

 

“Somaliland Waa Dalka Kaliya Ee Midaysay Soomaaliya, Cidda Soomaali Kala Dirtaynaa Waa Koonfur….” Sanbaloolshe

 

“Dadkii Dagaalka iyo Dhibaatadda U Geystay Somaliland Waa In Dembile Loo Aqoonsado….”

 

Hargeysa, 16 October 2019 (Warsugan)-Taliyihii horre ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya  Cabdillaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa xukuumadda Farmaajo ugu baaqay in maxkamad la geeyo dadkii dembiyadda ka galay Somaliland, sidoo kalenna la joojiyo heesaha guuloow siyaad oo aad uga xanaaqan dadka reer Somaliland, islamarkaanna Somaliland tahay  tii isu-keentay ummadda Soomaaliyeed.

 

Sanbaloolshe, wuxuu sheegay cidkasta oo dagaal ku qaaday Somaliland loo aqoonsaddo dembile dagaal.

Taliyihii horre ee Nabad Suggidda Qaranka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Somaliland waa dalka kaliya ee midaysay Soomaaliya, cidda Soomaali kala dirtaynaa waa koonfur. Somaliland inay maqnaato koonfurta ayaa masuul ka ah, marka Somaliland waa dad tashadday oo tamaraystay oo wixii dhex-doodda yaallay way dhammeeyeen, dannahooda iyo dadkoodda ayay maamulanayaan. Dad iyagu dhiigoodda xalaalaystay oo is-cunayaa oo waxba kala maqlayn ha u lug xidhnaadaan sax ma’ahaa.”Ayuu yidhi Sanbaloolshe.

 

Siddoo kale, Taliyihii horre ee Nabad suggidda Qaranka Soomaaliya wuxuu sharrax qoddobo muhiim u ahaa Somaliland oo lagu waajihii karro waddahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya”Dagaalka lagu qaaday iyo dhibaatadda loo geystay waa in dembiyo dagaal loo aqoonsaddo oo koonfurta Soomaaliya raali-gelin bixiso. 2-In alle iyo inta dembi ka gashay ee la yaqaanno ee waqooyi dembi ka gashay waa in la soo maxkamadeeyaa. 3-waa in magaaladda muqdisho laga qaadin guuloow Siyaasad. Nimankaasinna ma maqli karraan guuloow Siyaad.” Sidaa ayuu yidhi Sanbaloolshe.

 

Wargeyska Warsugan Media Group

 

Hargeysa/Somaliland