RASMI: John Obi Mikel oo xaqiijiyay inuu katagay Chelsea kuna biiray….

0
427

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu isaga tagay kooxdiisa Blues.

Xiddiga reer Nigeria ayaa ku dhibtooday xiliciyaareed kan keydka kooxda ka dhisan galbeedka London kadib markii uusan la dhicin tababare Conte qaab ciyaareedkiisa.

John Obi Mikel ayaa xaqiijiyay inuu go’aansaday inuu sameeyo loolan cusub oo dhanka xirfadiisa ah, wuxuuna ku biiray kooxda dalka shiinaha ee Tianjin TEDA.

29 jirkaan oo soo saaray warbixin ku aadan mustaqbalkiisa ayaa yiri:

“Sida aad ogtihiin, uma soo muuqan xiliciyaareedkaan sidii aan doonayay, maadama aan ahay 29 jir, wali waxaa hortayda ah sanado badan oo aan sii ciyaari karo”.

“Iyada oo ay taasi jirto ayaan dareemay in waqtigaan uu yahay kii ku haboonaa inaan raadiyo loolan cusub, waan ku faraxsanahay inaan ku biiro kooxda Tianjin TEDA ee dalka shiinaha”.

“Waxaan diyaar u ahay in Tianjin TEDA aan ka caawiyo inay sii wado hormarka gudaha iyo banaanka garoonka sanadaha yar ee soo socda”.