Real Madrid Oo La Gudoonsiiyay Abaal Marinta Kooxdii Ugu Fiicnayd 2014-kii, Cristiano Ronaldo Iyo Toni Kroos Oo Iyagana Abaal Marino La Goonsiiyay

0
439

Real Madrid Oo La Gudoonsiiyay Abaal Marinta Kooxdii Ugu Fiicnayd 2014-kii, Cristiano Ronaldo Iyo Toni Kroos Oo Iyagana Abaal Marino La Goonsiiyay

(Warsugannews)-Xidhiidhka caalamiga ah ee taariikhda kubada cagta iyo tirikoobyada ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan IFFHS ayaa kooxda Real Madrid gudoonsiiyay abaal marin ay ku mutaysatay inay sanadkii 2014 ahayd kooxda aduunka ugu fiican. Xidhiidhka caalamiga ah ee taariikhda kubbada cagta iyo tirokoobyada IFFHS ayaa la aas aasay sanadkii 1991 kii.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa loo xilsaaray inuu gudoomo abaal marinta kooxdiisa ay IFFHS siisay, waxaana Real Madrid abaal marintan la gudoonsiiyay ka hor tababarkeedii maanta.Real Madrid ayaa sanadkii 2014 kii ku dhamaystay qiimaynta ugu saraysay ee IFFHS oo ay xidhiidh caalami ah oo qiimeeya tirakoobyada iyo taariikhada kubbada cagta. Los Blancos ayaa qiimayntan ka heshay 381 dhibcood, waxaana ku soo xigtay Bayern Munich oo heshay 276 dhibcood. Kooxda Atletico Madrid oo 2014 kii soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga ayaa heshay 267 dhibcood.Reall

Cristiano Ronaldo ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta inuu ahaa sanadkii 2014kii ahaa xidiga aduunka ugu goolasha badnaa.Ronaldo ayaa sanadkii 2014 kii soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo Real Madrid guulo badan ku hogaamiyay.Ronaldo
Sidoo kale Toni Kros oo ku guulaystay abaal marinta kubbad sameeyihii ugu fiicanaa ayaa la gudoonsiiyay abaal marintiisa. Kroos ayaa abaal marintan ka qaaday Lionel Messi iyo James Rodriguez kadib markii uu ku guulaystay cod ay bixiyeen in ka badan 60 dal. Kroos ayaa helay 110 cod halka uu Messi ka helay 108 cod, waxaana codka ugu yaraa helay James oo helay 53 cod.Laakiin qiimaynta sanadkan 2015 ayaan wali la soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here