Reer Baligubadle Kumaan Aqoon Marka Seben XUmaad Dhaco Mindi Roorteynta,Maaga Culimada Iyo Madaxda Magaynada Ah Waase Mid Maankayga Gadday Badhasaabkii Gobolkay Xagxaganayaan

0
621

Hargaysa(WSN) Caaqil Mursal Cabdi Cali Ayaa Si Adag Uga Hadlay Eedo uu Sheegay Inaanay Sal Iyo Raad Toona Lahayn Oo Kasoo Yeedhay Koox Sheegatay Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Gobolka Hawd isla Markaana u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan Cali

Caaqilka Ayaa Farta Ku Fiiqay Kala Duwanaanshaha Bulshada uu kasoo Jeedo ee Gobolka Togdheer Iyo Bulshada degta Gobolka Hawd Gaar ahaana Deegaanka Baligubadle Taasi oo uu Iftiimiyay Inaanay Dadkaasi Dhaleecaynaya Badhasaabka Gobolkaasi Aanay ahayn Reer Balugubadlihii Asalka Ahaa Ee La Yaqaanay ee Saxda Ahaa isla markaana ay U Egyihiin Xubno isku Ekaysiinaya Reer Haw doo u adeegaya Xubno Kasoo Horjeeda Gobolnimada Gobolka Hawd isla Markaana La Baadigoobaya inay Reer baligubadle Yihiin Dad aan u Qalmin In Gobol loo Magcaabo Isla markaana Ay Yeeshaan badhasaab Sida Deegaamada Kale ee Dalka Maadaama Aan Gobolada Kale ee Dalka Sidan oo Kale Loogu Xagxagan Madaxda Deegaamada kale kasoo Jeedo Ee Talada Loogu Dhiibo Waxaana uu Yidhi Isagoo Arimahaasi Ka Hadlaya Sidan

“ Waxaan Leeyahay dadkaasi Leh Badhasaabka Gobolka Hawd baa Timir Dhacday Noo Keenay Inaanay Ahayn Dad Leh Suuradii iyo Sawracii Lagu Yaqaanay reer Baligubadle ee ay Yihiin Nacabka Reer Baligubadle Waxaana Taas Daliil u Ah Aqoon baanu Isku Leenahay,oo Ma Yeeleen Inay Reerkaasi Inay Kala Reebaan Haday Dhaliil u Hayaan Maamul Gobol Iyo Degmo,isla markaana Gaar ulama Baxeen Qof Sharaf Iyo Karaamo Rabi Huwiyay oo welibana Magacii Gobolkaasi Sita,Waana arin aanu Uga fadhino Dadka Deegaankaasi Iyaga Is Yaqaane inay Nagasoo Tacsiyadeeyaan Afxumadaas Kasoo Yeedhay Ama Ha Isku Shabahaan Ama Laftoodiiba ha Noqdaane “

Dhanka Kale Caaqilka Ayaa Ka dhawaajiyay In Dadka uu kasoo Jeedo ee Gobolka Togdheer Badhasaabkii Loo Keenay ee La Odhan jiray Maxamed Ibraahin Qabo Ay Magacii Ka Bedeleen Una Bixiyeen QABYATIRE iyagoo Ixtiraamaya Sharafta Reer Baligubadle,Karaamada Masuulka Loo Soo Bedelo Deegaankooda Iyo Tixgelinta Xidhiidhka Qotoda dheer ee Labada Dhinac Waxaana uu Yidhi

“ Anaga Masuulkii Gobolka Togdheer Loo soo Bedelay Inaanu Xagxagano Iska daaye Waxaanau Ka Bedelnay Magaciisii oo aanu u Bixinay Qabyartire,Halka Taliyihii Qaybta Gobolka Saraarna Jamaal Cabdi Jaamac Aanu u Bixinay Jamaal Jookar,Waxaase isku Kaaya qaban Wayday Halkaanu Anagu dawliska Ka dhaaminayno iyo Halka Reer Baligubadle Wadaanta Ka Docwareemayaan,Welibana ku Darsoo reer Baligubadle waxaanu Leenahay Wasiiro Ayaad leedihiin,Badhasaabo Ayaad leedihiin,Madax Baad leedihiin Balse Waad ka Warwareegtaan,Reerkana Col Hortii Jabay kuma Aqoon,Ninbaa Yidhi Cadceedu Kululaa Nin kalaa ugu Jawaabay Xaynta Xageeda U Dareertayna Ka Waran Waxaanu Idin Leenahay Halka ay Abaartu Kasoo Bilaabantay Anagaa Joogna,Mana Sariirano Madaxda iyo Culimada ceeb aanay Lahayna Dhakada Kama Saarno anagoo ku Doonayna Waxoogay Quud Ah ,Marka Seben Xumaad dhaco Culimada maaha In la Sariirto Waase Laga Bixiye Yaan La Dacaroon,Mindiroorteynta Walaalayaal Inaga daaya Waad Adkaysi Badnaydeene “ Ayuu Yidhi Caaqil Mursal Cabdi Cali