RIYAAL DEEQAA DEEQSI KA DHIGAY. Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin.

0
1183

RIYAAL DEEQAA DEEQSI KA DHIGAY.

Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin.

Ganacsadaha hodanka ah ee reer Sscuudi Salmaan Cabdicasiis Raajixay da’diisuna gaadhayso 91 sano. hantidiisa waxay ku qiyaastay jariirada kawaranta hantiilayaasha dunidu ee Forbes, in ay gaadhayso 5.9 billyan oo dollar taasi oo ka dhigaysa qofka 169 duniga ugu taajirsan.

Sida uu ka sheekeeyay hantiilahaasi, wuxuu yidhi waxaan ahaa faqiir ilaa heer hoose ah awoodina waayay in qoyskayagu iga bixiyaan hal riyaal (1) oo dugsigga lagu galayay. Balse oo’hintaydii badnayd awgeed markii aan aamusi waayay waxa la igeeyay dugsigii iyadoon lacagtii la bixin.

Waxaan si saxa uga ka jawaabay su’aal nala waydiiyay, markaa Macalinkii oo Falastiini ahaa wuxuu abaalmarin iisiiyay hal riyaal(1) ayna la socotay sacabkii ardaydu, aad uga maam fikirin waanan tagay anoo ordaaya waanan ka qayb qaatay waxbarashadii oohintaydii adkaydna waxay isku badashay farxad qiiro leh.

Waxa uu intaa ku daray maalmihii way socdeen dugsigiina waxaan uga socdaalay xagga nolosha. Nolosha dhexdeeda sanado kadib shaqo iyo dheeraadka ilaahay. Waxaan ogaaday shaqada samafalka… waxaan xasuustay macalinkii dugsiga ee Falastiiniga ahaa ee halka riyaal (1) isiiyay.

Waxaann bilaalabay in aan waydiiyo naftayda ma sadaquu kuu siiyay mise abaalmarin.

Maan helin jawaabta, lakiin waxaan idhi tay doonto ha ahaatee wuu xaliyay dhibtii waynayd ee wakhtigaa adoon dareemin iyo dadkii kaleba waxba. Taasi waxay iga dhigtay in aan ku noqdo dugsigii si aan u helo macalinkii falastiiniga ahaa, waxaan diyaarsaday la kulankiisa iyo in aan ogaado noloshiisa iyo xaaladihiisa waanan daydayay.

Waxa uu sheegay hantiilahaasi waan la kulmay macalinkaasi qiimaha leh, waxaan helay isagoo ku jira xaalad adag oo bilaa shaqo ah una diyaara in uu dalkiisii ku noqdo. Markaan is garnay waxaan u sheegay in dayn wayn igu lahaa sanado badan.. waxa uu si adag iigu sheegay in aanu qofkna dayn ku lahayn. Halkaa markay marayso waxaan waydiiyay ma xasuusataa arday aad siisay riyaal … sababtoo ah waxa uu ka jawaabay wixii sidaa iyo sidaa ahaa ka dib markii uu xasuustay una fiirsaday wuxuu yidhi isagoo macalinkii qoslaaya haa… haaa.. oo adigu ma waxaad ii daydayaysay in aad ii soo celiso halkii riyaal?

Sheeko dheer ka dib waxaan soo fuushiiyay gaadhigaygii waxaanu hor istaagnay guri qurux badan oo fiilo, waanu dagnay kadibna gurigii aanu galnay waxaan ku dhi Macalinyahow qiimaha lihi waa kan daynkaagii iyo gaadhigaasi iyo mushahar intaad nooshahay ah. Macalinkii wuu anfariiray.. oo tani aad bay u badan tahaye! Ana waxaan ku dhi i rumayso farxadaydii riyaalkaagii wakhtigaasi aad buu intan ugu badnaa farxadaadan.  Wali waan xasuustaa farxadaasi.

Waxa uu sheegay billyaneerkaasi Cabdicasiis Salaman Raajixi (Farxad galiy oo dhib faydi, abaalmarinta Allaaha kariimka ah ka sug).

Xasuusin waxaa la sheegaa in waxbixinta ama waqfiga khayriga ah ee aduunka ugu wayn uu lahaa taasi oo ahbeerta ugu wayn timirta aduunka oo 200 oo kun oo geed ku yaalaan ee gobolka Qasiim. Beertaasi dhamaanteed waxa uu u bixiyay waqfi ama si khayriya oo bilaasha oo lagu qaybiyaa wax soo saarkeeda ururada khayriga iyo labada masaajid ee shariifka ah Ramadaana.

Casharka ugu wayn ee aan ka baran karnaa waxa weeyi in waxyar oo aad qof baahan ku caawisaa uu noloshiisa iyo ta dalkaba wax wayn ka badali karo, iyo qiimaha waxa yari qofka kale agtiisa ku leeyahay. Waxbixintu waa dhaqan haddii aynu barano aynaan ka xiiso’goynayn oo dadka yaqaanaa ay u xaraaroodaan, dhibaatooyinka oo dhana waa lagu daweeyaa, dadkeena baahan aan hoos u eegno gaar ahaan ehelka iyo jaarka wakhti adag baa lagu jiraa.

Soo ururintii

Axmed Cali Kaahin

aakaahin@yahoo.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here