Riyaddii Rumawday Qeybtii 5-aad W/Q: Mohamed Hassan Daaca

0
704

Riyaddii Rumawday Qeybtii 5-aad W/Q: Mohamed Hassan Daaca
Ninkii Axmed ee ay saaxibka dhaw ahaayeen Ismaaciil,waxa uu galay mashquul maskaxeed,waxaana uu go’aansadday inuu Saaxiibkii Ismaaciil uu uga gar-gaaro dhamaan Baahiyaha Maanta la deriska ah,waayo waxa uu aaminsan yahay in haddii ay ugu yaraan ay siday Maanta yihiin iskaga soo dhawaadaan uu isaga lafhaantiisu uu meel sare ka gaadhi karo Tacliinta oo uu Ismaaciil garab wax-ku-ool ah ka heli doono,haddii EEBBE uu ayaamo isku simo.Markii uu Ismaaciil soo Idleeyay xog-warankii gaar ahaa ee uu siinayay saaxiibkii Ismaaciil ee ku saabsanaa waayaha nololeed ee la deriska ah,ayaa waxa hadalkii la wareegay Axmed,waxaana uu hadalkiisii ku Ibo-furay sida tan: “ Saaxiib Ismaaciil,xaqiiqdii waxaad ii sheegtay arrin si weyn saamayn taban iigu yeelatay,waana Adduunka iyo dabeecaddiisa,waxaanan aaminsan yahay in caqbad kasta oo Nolasha ahi ay xal leedahay,taasna ay iman karto.Xaalka aad ku sugan tahay ee runtii aadka u adag iyo ehel la’aanta isku kaa barkaday waxay Tusaale nool u yihiin inay kusoo socdaan guulo iyo farxaddo aad u badani,waxaanad ku jirta Imtixaan Adduunyo,taas oo u baahan Samir iyo adkaysi.Qofkasta oo bini’aadam ah oo Dunidda guudkeeda saarani waxa uu la kulmaa dhibaatooyin iyo caqabaddo nololeed,kuwaas oo intooda badan kaga yimaadda Dadkii ugu xigay ee Ehel iyo Xigtaba ugu dhawaa,waxaanad xasuusun kartaa Casharo fara badan oo Dugsiga laynoogu dhigay,kuwaas oo ka hadlaya Dad adduunka meel sare Magacoodu gaadhay,ilaa maantana raadkooddii walli qoyanyahy,Aakhirana kuwa Liibaanay ka mid ah oo ay soo waajaheen waayo iyo Ayaamo adkaa,haddana kaga soo gudbay Samir,adkaysi,dul-qaad,go’aan qaadasho iyo tallo-saarasho ALLAH.Diinteena Islaamka ee Suuban,markii Rasuulkeenii Suubanaa (NNKH) uu ILAAHAY faray inuu Dadka Adduunka oo dhan gaadhsiiyo,waxa lagu sameeyay dhibaatayn aan Xad iyo Xisaabtoona lahayn.Waxa dadka ugu soo horeeyay oo dhibtaas horsed la ahaa,isla-markaasna colaystay Ehelkiisii oo ay Adeeraddii Kaw ka ahaayeen,waxaana dhacday in Sumcaddiisa ,Karaamaddiisa iyo Dad-nimadiisaba meel lagaga dhaco.Waxay ugu yeedheen Magacba kuu ka xumaa,tilmaaniba tay ka darnayd,waxa la qorsheeyay isku dayo fara badan oo la rabay in lagu khaarajiyo,Dadweynaha ayaa loo dhex-galiyay inuu Waalan yahay,inuu Sixirroole yahay,inuu gabyaa dadka gabaygiisa ku duufsanayay yahay,intaasba marka laga soo gudbo gacanbaa loola tagay oo waxa la dhibaateeyay Jidhkiisa Shariifka ah,waxaana lasoo gaadhsiiyay dhaawacyo kala duwan oo iskugu jiray qaar Dagaal uu Gaaladda la galay iyo qaar si toos ah loo soo weeraro.Waxaan filayaa inaad xasuusan tahay inuu Macallinkeena taariikhda inoo dhigaa uu ayaantii dhawayd inooga sheegaynayay sidii ay Reer DAA’IF (Magaaladda hadda ku taalla Dalka Sucuudi Carabiya) ay u galeen Nabigga markii uu doonayay inuu DACWADDA gaadhsiiyo,waxaanad ogayd inay kusoo direen Dadkoodii cawaanka ahaa,kuwaas oo Nabbiga iyo Asxaabtii la socotayba dhagaxaan la dhacay Ilaa uu Dhiiggii Nabigga (NHKH) ka baxay uu Cidhibihiisa gaadhay,waxaana wakhtigaas Nabbigga (NHKH) u yimid Malagii Buuraha,waxaanu ku yidhi : “ I amar,aan Reer DAA’IF aan iskugu dhufto labbadaas Buurood e’,maadama ay sidaas kuu dhibaateeyeen addiga oo Nabbi Muxamed ah (NHKH),balse waxa uu Nabbiggu (NHKH) u sheegay inuu ka rajaynayo Ubadkay Mustabalka dhali doonaan inay noqdaan qaar Diinta ILAAHAY u gar-gaara”. Ayuu Axmed saaxiibkii Ismaaciil kaga lab-qaboojiyay dhibka laxaadka leh ee lasoo darsay,isaga oo ugu hoga-tusaalaynaya in aanay Xaaladdani ahayn mid lagu waarayo ee uu berri-ka-maalin noqon doono mid isaga la tilmaamsaddo,laguna tartamo la-noolaashihiisa iyo wax-weydiisashadiisaba.Axmed, Walli waxa uu la sii hadlayaa saaxiibkii Ismaaciil iyaga oo walli taagan halkii ay baska ka raaci-jireen,waxaana uu intaas u raaciyay; “Waxaan filayaa inaad si fiican u xasuusato Qisaddii wax-ku-qaadashadda mudnayd ee dhex-martay Nabbi Yuusuf (CS) iyo walaaladii,kuwaas oo siday u colaadinayeen ay keentay inay Ceel-biyood ku tuuraan,ka dibna ay aabbohood u sheegaan inuu Baxal cunay Inankiisa Yuusuf iyo siday ugu danbaynta ay isaga dhamaantood u wada hoos-imanayaan isaga oo Madaxweyne ah,taas oo ah Tusaale nool oo muujinaysa in Qofkasta oo Nolasha ku-xumeeya uu maalin uun ku hoos iman doono”.ayuu kaga baxay Axmed wajigii kowaad ee hadalkiisa,waxaana uu u gudbay qeybtii Labbaad…….

Lasoco………..

W/Q:Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here